Axad, Abril 19, 2020 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa hirgelisay xarun gaar ah oo si casri ah loo qalabeeyay taas oo loogu tala-galay in lagula socdo dadka uu soo ridanayo xanuunka COVID-19, islamarkaana ay talooyin caafimaad ay ka helaan bukaannada ay xaaladdoodu fududahay.
Sidoo kale xaruntaan ayaa waxey gawaarida bukaan la roorka ah u direysaa, dadka ay xaaladoodu liidato, iyadoo loo soo qaadayo Cisbitaalka Martiini, si ay u helaan kaalmo deg-deg ah.
Xogta goobtaan loogu tala-galay in talooyinka ay ka helaan dadka xanuunka COVID-19 qaba iyo kuwa isaga shakisan ee baaritaanka doonaya ayaa waxaa lagu baahiyay website-ka xafiiska ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, iyadoo lagu yiri "Goobtaan waxey soo Af-jareysaa, jawareer moray".
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Number-ka gaaban ee 449 ay soo wacaan 24-saac in ka badan Afar kun oo ruux.
Soomaaliya ayaa hadda aad ula dagaallameysa bushiga Coronavirus oo maalin walba hadda soo rita dad badan.
Cabdicasiis Axmed Barrow
Barrow@hiiraan.com Hiiraan Online, Muqdisho