Axad, Luulyo, 18, 2021 (HOL) 
-  Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka 
Soomaaliya, Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif oo ah 
xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa mar kale sheegay inuu u
 sharraxanyahay kursigaa ka tirsan Golaha Shacabka, ka dib munaasabad ka
 dhacday hoygiisa degmada Ceel-Barde.
Munaasabadda oo ku 
billaabatay qado sharafeed ay ka soo qaybgaleed dhammaan bulshada 
degmada Ceel-Barde iyo deegaannada ku dhow, waxaa goobjoog u ahaa 
Ugaaska deegaanka Ugaas Xuseen Ugaas Cabdi Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif, 
isimmada deegaanka, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada.
Wasiir
 Cabdiwahaab Ugaas, oo muddo ku dhow toddobaad ku sugan Ceel Barde ayaa 
sheegay in muddadaa wadatashi la qaadanayay qeybaha bulshada ee degmada,
 sidoo kalana uu u kuurgalayay xaaladda deegaanka iyo bulshada.
“
 Ceel-Barde oo ah magaaladii aan ku dhashay , waxaan maanta uga 
mahadcelin bulshada sida ay isugu soo baxaan munaasabadaanna uga soo 
qeybqaateen, halkan deegaanka waxaan dadaal galiyay in horumar la gaaro 
la helo goobo waxbarasho iyo caafimaad oo tayo leh , si loo amba qaado 
dadaallada waxaan idin ka codsanayaa inad igu taageertaan kursiga aan 
horey idin kugu matalayay.” ayuu yiri.
“Odayaasha iyo 
dhallinyarada halkan joogta waxay muujiyeen rabitaan annigana igu rajo 
galiyay haddii qof iyo cod la gaari lahaa ,halkan inan codadka badan ka 
heli lahaa, balse waxaan hadda oo dalka doorasho aadday idin 
ballanqaadayaa inan xoojin doono dadaalkeyga horumarinta deegaanka iyo 
bulshada, haddii mar kale aan kursigan idin ku matalo idinkuna ii 
doorataan.” ayuu ku daray.
Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kale ee
 bulshada deegaanka ayaa si wadajir ah munaasabadda ka sheegay inay 
taageerayaashan Xildhibaan Cabdiwahaab Ugaas, iyagoo ugu duceeyay inuu 
mar kale rabbi xilkaa ku guuleeyo.
Ugaas Xuseen Ugaas Cabdi Ugaas
 Xuseen Ugaas Khaliif,  ayaa gabagabadii sheegay inuu soo dhaweynayo 
dhammaan musharrixiinta u tartamaya kursiga Golaha Shacabka ee degmada 
CeelBarde, isagoo bulshada ku baraarujiyay sida ay muhiim u tahay cidda 
kursiga ku soo baxaysa inay tahay qofka ugu mudan ee isla xisaabtan ku 
imaanaya, wuxuuna nasiib wanaagsan u rajeeyay xildhibaanka kursiga ku 
fadhiya ee mar kale tartamaya.
Musharrax Xildhibaan Cabdiwahaab 
Ugaas Xuseen oo ku tartamaya ‘ Sinnaan iyo Matalaad Dhab ah’, wuxuu 
horey usoo noqday Ra’iisul wasaare kuxigeen, wasiir ganacsi iyo hadda oo
 uu yahay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.
Iman Jama, Hiiraan Online
Iman@hiiraan.com