Khamiis, Juun, 24, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa qaabilay wufuud ka kala timid wadamada Itoobiya iyo Gini Bissau oo Berbera u yimid ka qayb galka furitaanka dekeda.
Waftiga dalka Itoobiya ayaa waxa hogaaminaya wasiirka maaliyada dalkas Axmed Shide, waxana ku wehelinaya wasiirka gaadiidka Degmawit Moges iyo madaxweynaha degaanka Soomalida Mustafe Muxumed Cumar.
Sidookale waftiga ka socda dalka Gini Bissau, ayaa waxa hogaaminaya raysal wasaarihi hore ee dalkaas Baciro Dja.
Wufuudan, madaxweynaya Somaliland, saraakiil kala duwan iyo marti sharaf iskugu jira reer Somaliland iyo qaar calami ah, ayaa hada ku sugan gudaha dekeda oo ay ka socoto xaflada furitaanka dekeda.
Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan online
Abdilahi@hiiraan.com