Talaado, May, 4, 2021 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadalay xadhiga musharixiinta, ayaa sheegay in musharax kasta oo lagu helo danbi la xidhayo mucaarad iyo muxaafad ba.
Madaxweynaha ayaa yidhi “3 dii musharax ee ugu horeeyay ee la xidhay Kulmiye ayay ahayeen, 2 kamida min 1 sano ayaa loo jaray, kuwa hada taagana muxaafad iyo mucaarad ba way leeyihiin”.
“Qofka waxa lagu soo eedaynayaa danbi, foojeri, sharciga oo uu ka been sheego, xafiis buu waraaqihiisii xaday, jaamacad aanu ahayn buu layimid, kii la qabto wa nasiibkii”.
Madaxweynaha ayaa sheegay in ay jiri karaan musharixiin danbiyo galay lakin sharcigu aanu helin, waxanu sheegay in la qaban doono marka la ogaado danbiga ay sameeyeen.
Madaxweynaha ayaa si gaara isu dul taagay kiiska musharax Qasim Aadan Saleebaan oo Waddani ka sharaxan kaasi oo loo haysto in uu gacan-saar laleeyahay dowlada Soomaaliya.