Ciidamada Itoobiya oo sheegay inay gali doonaan magaalada Maqalle
Axad, Janaayo, 23, 2022 (HOL) - Itoobiya ayaa sheegtay inay isu diyaarinayso inay gasho magaalada
Maqalle ee xarunta gobolka dhibaatooyinku ka aloosan yihiin ee Tigray.
Janaraal
sare oo ka tirsan Ciidamada Itoobiya oo lagu magacaabo Jeneral Abebaw
Tadesse, ayaa waraysi uu siiyayay Warbaahinta ku hadasha afka dowladda
ku sheegay in ciidamadu ay gali doonaan Maqalle, isla markaana aan wax
wada hadal ah aan lala galayn kooxda TPLF, waa siduu hadalka u dhigay
Jeneralku.
Hadalka
Jeneralka ayaa ah mid rajo tiraya in TPLF ay ka qayb gali doonto
wadatashiga heer qaran ee uu Ra'iisal wasaare Abiyi Axmed ku dhawaaqay
in dhawaan uu dalka ka dhici doono, iyadoo wali aysan joogsan colaaddii
ka jirtay gobolka Tigray.
Lama
garan karo sida ay isu qabanayaan wadatashiga si guud dalka looga
sheegay, oo ay dhammaan Itoobiya isugu imaan doonto, iyo colaadda
gobolka Tigray ka jirta oo wali sii socota, iyadoo TPLF dhankeeda ay
wali waddo duullaankeeda ay ku sheegtay inay kusoo ceshanayso dhulka ay
sheegtay inuu ka maqan yahay.
Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
jawharyare@hiiraan.com