4/25/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 10, 2025
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya iyo madaxa Ergada Jaamacadda Carabta oo kawada hadlay Barashada Luuqada Carabiga ee Shacabka Soomaaliyeed
 

Khamiis, April 10, 2025 (HOL) - Bayaan kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in uu Ra'iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre uu xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Ergada Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya, Danjire Cabdalla Al-Cuteybi.

Labada Mas'uul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo ururka Jaamacadda Carabta gaar ahaan dhinacyada siyaasadda iyo dhaqaalaha.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa intii uu kulanka socday waxa uu ka hadlay guulaha waaweyn ee ay dowladdu xaqiijisay iyo fursadaha maalgashiga ee Soomaaliya ka jira ee u baahan in ay maalgashadaan dalalka Carbeed ee xubnaha ka ah ururka.

Bayaanka waxaa lagu xusay in meelaha u baahan in laga maalgashado Soomaaliya qeyb ka tahay dhinacyada Xoolaha, Beeraha, Kalluumeysiga, Tamarta, Batroolka iyo Macdanta.

Danjire Al-Otaibi, ayaa la soo qaaday Ra’iisul Wasaare Xamsa muhiimadda ay leedahay qorshe ururku wado oo lagu xoojinayo barashada bulshada Soomaaliyeed ee luuqadda Carabiga, maadaama dastruurka uu qorayo luqadda labaad ee dalka in ay tahay Carabi.