Khamiis, April 10, 2025 (HOL) - Wasiirka arrimaha Dibadda dalka Masar Dr Badr Abdel Caati, ayaa shalay oo Arbaco aheyd, waxa uu magaalada Qaahira kusoo dhoweeyay Axmed Macallin Faqi, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya oo ay kawada hadleen xiriirka labada dal.
Danjire Tamim Khalaf, Afhayeenka rasmiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, ayaa sheegay in Wasiir Abdel Caati uu caddeeyay in intii uu socday kulanka in dalkiisa uu ixtiraamayo midnimada iyo wadajirka gayiga Soomaaliyeed iyo in Masar ay si buuxda u garab taagan tahay hay’adaha Qaranka iyo dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.
Wuxuu kaloo tilmaamay muhiimadda ay leedahay xoojinta midnimada Soomaaliyeed si looga hortago caqabadaha amni ee hadda jira, loona soo celiyo amniga iyo xasiloonida, iyadoo la raacayo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.
Wasiirka arrimaha dibadda Masar ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay in la xoojiyo iskaashiga la dagaalanka argagixisada iyo xagjirnimada, maadaama ay tani ka mid yihiin caqabadaha ugu waaweyn ee khatarta ku ah amniga iyo xasiloonida gobolka.
Labada Wasiir arrimo dibadeed ee Masar iyo Soomaaliya ayaa isla gartay baahida loo qabo dadaallo mideysan oo heer gobol iyo mid caalami ah si looga hortago weerarrada argagixisanimada iyo ciribtirka xididdada argagixisada.