4/25/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 10, 2025
Dowladda Jarmalka oo ka laabatay masaafurinta muwaadin Soomaaliyeed oo sameeyay ficil geesinimo leh

Khamiis, April 10, 2025 (HOL) - Maamulka Bavaria ee dalka Jarmalka ayaa ku dhawaaqay in Axmed Odowaa, oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo qaxooti ku ah dalkaas, aan dalka laga masaafurin doonin – taasoo beddelaysa warar hore oo sheegayay in la celinayo.

Odowaa, 30 jir ah, ayaa 22-kii Janaayo dhexda u galay weerar mindi ah oo ka dhacay magaalada Aschaffenburg, kaas oo lagu dilay wiil yar oo 2 jir ah iyo nin 41 jir ah, halka saddex qof oo kale lagu dhaawacay. Odowaa wuxuu daba galay ninkii weerarka geystay, wuxuuna booliska u sheegay meeshii uu ku sugan yahay. Hadda wuxuu  markhaati muhiim ah u yahay kiiskan.

Mas’uuliyiinta Bavaria waxay sheegeen in geesinimadiisa iyo iskaashigiisa si rasmi ah loo aqoonsan doono, isla markaana loo oggolaan doono inuu ku sii nagaado dalka Jarmalka isagoo haysta oggolaansho ku meel gaar ah oo loo yaqaan Duldung.

Sidoo kale, Odowaa waxaa la siin doonaa ruqsad shaqo si uu uga faa’iideysto fursado isdhexgal iyo mustaqbal daganaansho. Wasiirka arrimaha gudaha ee Bavaria, Joachim Herrmann, ayaa ku tilmaamay falka Odowaa mid heer sare ah oo mudan aqoonsi iyo ixtiraam buuxa.

Weerarka dhacay 22-ka Janaayo wuxuu gilgilay guud ahaan dalka Jarmalka, isagoo soo jiitay dareenka guud ee bulshada.

Baarayaashu waxay sheegeen in ninka weerarka qaaday, oo ah 28 jir u dhashay Afgaanistaan, uu weeraray carruur xanaanada dhigata iyo dad waaweyn oo ku sugnaa jardiinada Schöntal Park ee Aschaffenburg. Ilmo yar oo u dhashay Morocco iyo nin Jarmal ah ayaa lagu dilay weerarka, halka saddex kale oo ilmo  ah oo u dhashay Suuriya iyo nin 72 jir ah oo ah macallin xanaanada ka shaqeeya si xun loogu dhaawacay weerarka.

Odowaa iyo dad kale oo marayay goobta ayaa daba galay ninkii weerarka qaaday, booliskuna waxay qabteen 12 daqiiqo kadib. Hoggaamiyeyaasha heer deegaan iyo heer qaran, oo uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaaraha Bavaria Markus Söder, ayaa si weyn u ammaanay dadaalkiisa, waxaana la filayaa in bishan May la gudoonsiiyo bilad geesinimo.

Si kastaba, inkastoo uu helay ammaan ballaaran, Odowaa wuxuu helay waraaq ka timid xafiiska socdaalka oo ku wargelinaysay inuu dalka ka baxo ugu dambayn 8-da Luulyo. Waraaqdaas ayaa ku salaysnayd in Odowaa uu horay qaxooti uga ahaa dalka Talyaaniga, halkaas oo uu magangalyo ku helay ka hor intii uusan u soo safrrin Jarmalka. Sida uu dhigayo sharciga Yurub ee Dublin Regulation, codsiga magangelyo waa in lagu maareeyaa waddankii ugu horreeyay ee uu qofku ku galo Midowga Yurub – taasoo ka dhigaysa in codsigiisa Jarmalka uu yahay mid aan sharci ahayn.

Isniintii, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Bavaria waxay sheegtay in wararka la xiriiray masaafurinta Odowaa ay ku salaysnaayeen isfahan la’aan. Mas’uuliyiintu waxay sharxeen in amarada Duldung ay yihiin kuwo waqti xaddidan lagu bixiyo, islamarkaana si joogto ah loo cusbooneysiiyo marka ay jiraan duruufo sharci ah ama bani’aadamnimo.

Hadda waxaa la siiyay xaq uu ku joogi karo Jarmalka si ku meel gaar ah, oo ay ku jirto ruqsad shaqo. Go’aan rasmi ah oo ku saabsan xaaladdiisa mustaqbalka ayaa la filayaa inay soo baxaan marka dacwada dambiga la dhameeyo.

Go’aankan ayaa yimid kaddib markii in ka badan 60,000 oo qof ay saxiixeen codsi dadweyne oo lagu dalbanayo in la joojiyo masaafurintiisa. Dadka taageersan waxay ku nuuxnuuxsadeen geesinimadiisa iyo doorkii uu ka qaatay badbaadinta nolosha dadka weerarka lagu qaaday.

Ninka weerarka lagu tuhunsan yahay oo lagu magacaabo Enamullah O., oo 28 jir u dhashay Afgaanistaan, ayaa yimid Jarmalka dabayaaqadii 2022 isagoo ka yimid Bulgaria. Wuxuu codsaday magangelyo sannadkii 2023, balse wuxuu mas’uuliyiinta u sheegay bishii December inuu doonayo inuu si iskiis ah ugu laabto Afgaanistaan. Kiiskiisa magangelyo ayaa la xidhay, waxaana lagu amray inuu dalka ka baxo.

Kiiska Odowaa wuxuu la mid yahay midkii Chia Rabiei, oo ah nin Kurd-Iraani ah oo 2021 dhexda u galay weerar mindi ah oo ka dhacay Würzburg. Isna wuxuu wajahayay masaafurin balse ugu dambayn maxkamad ayaa u oggolaatay inuu dalka sii joogo iyadoo la tixgelinayo halista noloshiisa iyo caan ahaanshihiisa.

Labadan dhacdo ayaa xoog ku sii kordhinaya baaqyada ku saabsan in siyaasadaha socdaalka ee Jarmalka ay tixgeliyaan waxqabadka qofka, duruufaha bani’aadamnimo, iyo xaaladaha sharci ee gaar ah.