4/25/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 10, 2025
Saraakiil ka tirsan maamulka Trump oo soo jeediyay in la xidho Safaarada Maraykanka ee Muqdisho - New York Times
 

Khamiis, April 10, 2025 (HOL) - Saraakiil ka tirsan maamulka Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa ka doodaya in la xidho safaaradda Maraykanka ee Muqdisho, iyaga oo sheegay in kooxda Al-Shabaab ay khatar ku hayso Muqdisho.

Sida ay qortay New York Times, qaar ka mid ah saraakiil ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, ayaa walaac ka muujiyay guulo ay sheegeen in dhawaan ay gaadhay kooxda Al-Shabaab, waxayna soo jeediyeen in la xidho safaaradoodda Muqdisho. Dhanka kale, saraakiil kale oo ka tirsan maamulka Trump, ayaa qaba in xidhitaanka safaaradu ay sii xumayn karto xaaladda Soomaaliya.

Saraakiil u warramay New York Times ayaa sheegay in maamulka Trump uu wado qorshe uu kaga fiirsanayo siyaasaddiisa ku aaddan Soomaaliya, oo ay ku tilmaameen dal qasan oo aan lahayn dowlad si fiican u shaqaynaysa, halkaas oo Maraykanku tobanaankii sano ee u dambeeyay dowlada ka caawinayay la dagaallanka argagixisada.

Sida warbixintu xustay, saraakiisha sare ee Aqalka Cad ayaa ku kala qaybsan sida loo wajahayo xaaladda Soomaaliya. La-taliyaha la dagaallanka argagixisada ee Madaxweyne Trump, Sebastian Gorka, ayaa aaminsan in la xoojiyo hawlgalada ka dhan ah kooxaha xagjir ka ah ee Soomaaliya, halka saraakiil kale ay ku talinayaan in Washington faraha kala baxdo, iyaga oo sheegaya in Soomaaliya aysan ahayn meel Maraykanku uu dan badan ka leeyahay.

"Todobaadkii la soo dhaafay, Mudane Gorka, waxa uu Aqalka Cad kulan kula yeeshay hay'addo kala duwan oo dowliga ah, si looga faaloodo qorshe, hase yeeshee kulankaasi waxa uu kusoo dhamaaday is-afgarad la'aan," ayay saraakiil diiday in magacooda la sheego u sheegeen New York Times.

Dowladda Maraykanka ayaa muddo dheer qayb ka ahayd hawlgalka la dagaallanka argagixisada ee gudaha Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, kadib markii uu xilka qabtay Madaxweyne Trump, waxaa jira saraakiil iyo siyaasiyiin ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, oo ku doodaya in dowladnimada Soomaaliya aysan miro dhal lahayn, sidaas darteedna ay Washington faraha kala baxdo.

Inkastoo doodan ka jirto xisbiga Jamhuuriga, dowladda Maraykanka ayaa bilihii lasoo dhaafay weeraro badan oo ka dhan ah kooxaha Daacish iyo Al Shabaab ka fulisay gudaha Soomaaliya.