Khamiis, April 10, 2025 (HOL) - Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in socdaalka uu Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ku tagayo Laascaanood, aanu waxba ka badali doonin jiritaanka Somaliland.
Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Somaliland, Jamaal Maxamed Jaamac Cashuur, ayaa sheegay in Laascaanood ay ka tirsan tahay Somaliland, lakiin hadda aysan gacanteeda ku jirin oo qalad ay samaysay xukuumaddii hore darteed ay gacanta Somaliland ugu baxday.
"Laascaanood waxa ay ka mid tahay qayb ka tirsan dhulka Somaliland, laakin wakhtigan kuma jirto gacanta Dowladda Somaliland, oo waxa ay gacanteeda ka baxday ka dib markii xukuumaddii hore ee Somaliland ay xallin kari wayday dhibaatooyin isdaba jooga oo dadka deegaanku tirsanayeen," ayuu yidhi Wasiir Shakuur. "Socdaalka Xamse Cabdi Barre waxba kama badalayo jiritaanka Somaliland."
Wuxuu sheegay in Xukuumadda Madaxweyne Cirro ay xilka qabatay, iyada oo Laascaanood ay ka maqan tahay gacanta Somaliland, isla markaana ay ku dedaalayso in ay dariiq kasta oo nabadeed u marto xalinta arrinta Laascaanood, "lagumana canaan karo imaanshaha Xamse Cabdi Barre ee Laascaanood maadaama aysan Somaliland xiligan maamulin," ayuu hadalkiisa ku sii raaciyay Wasiir Cashuur.
Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, ayaa isna sheegay in Somaliland ay awood iyo xeeladba u isticmaali doonto sidii ay uga hortagi lahayd safarka Ra'iisul Wasaare Barre uu ku tagayo Laascaanood, sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibadda, Cabdiraxmaan Daahir Bakaal, ayaa sheegay in uu Maraykanka kala hadlay sidii loo baajin lahaa safarka Barre.
Dhanka kale, dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Ra'iisul Wasaaruhu uu safarkiisa ugu kuur galayo xaaladaha dhaqan dhaqaale iyo amni ee deegaanada SSC Khaatumo, iyada oo wufuud hor dhac ahi ay soo gaadheen Laascaanood.