Hiiraan Online
4/25/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Jimco, Apr 11, 2025
Qarax miino oo shacab waxyeelo kasoo gaartay oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe
Jimco, April 11, 2025 (HOL) - Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in gaari nooca dadweynaha ay raacaan ah ay miino kula qaraxday inta u dhaxeeysa degaanka Ceel Gub iyo Cadale waxana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.
Xildhibaan Saadaq Mukhtaar oo kamid ah mudanayasha Baarlamaanka HirShabeele ayaa u sheegay warbaahinta Qaranka in Al shabaab ay ka dambeeysay miinada dadkaasi la kacday ee waxyeelada daran kasoo gaartay.
Xildhibaanka ayaa shaaca ka qaaday in dhaawacyadu tobaneeyo ka badan yihiin dhimashaduna ay mareyso ilaa 5 Qof, waxa uu cadeeyay in dhaawacyo fudud ay jiraan oo afar qof soo gaaray.
Waxa uu sheegay Xildhibaan Saadaq in dhaawacyada ay diyaarad soo saari doonaan si Magaalada Muqdisho dhaawacyadoodi loogu dabiibo.
Qaraxaan miinada ayaa dhacay xilligii barqada ee 11ka sida uu Xildhibaanka cadeeyay waxana uu sheegay inay hadda ku mashquulsan yihiin inay aasaan meydadka.
Degaanka Ceel Gub ee maanta Qaraxaasi miino uu ka dhacay maalmo ka hor waxa ay Dowladda ay sheegtay inay kala wareegtay dagaalamayaal ka tirsan Al shabaab.