Jimco, April 11, 2025 (HOL) - Xukuumadda Somaliland ayaa mar kale si adag u cambaaraysay safarka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, uu ku tagi doono magaalada Laascaanood, iyada oo ku tilmaantay faragelin qaawan oo ka dhan ah madaxbannaanideeda.
Warsaxaafadeed kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa socdaalka Xamse ku tilmaamay mid halis ku ah nabadgelyada gobolka iyo dadaalladii nabadeed ee socday, waxayna sheegtay in dowladda Soomaaliya ay qaadi doonto mas’uuliyadda wixii nabadgelyo darro ah ee ka dhasha socdaalkaas.
“Dowladda Somaliland waxay u aragtaa safarkaasi mid colaado abuuri kara, waxayna caddaynaysaa in dowladda Soomaaliya ay qaadi doonto masuuliyadda xiisad kasta oo ka dhalata,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeeda.
Somaliland waxay baaq u dirtay ururrada Midowga Afrika, IGAD, Qaramada Midoobay, iyo Jaamacadda Carabta, waxayna ugu baaqday inay u dhug yeeshaan tallaabada safarka oo ay ku tilmaantay mas’uuliyad-darro ay dowladda Soomaaliya ku kacday. Waxay intaas ku dartay in Somaliland ay mar walba ka hortagto tallaabooyinka noocan oo kale ah.
“Dowladda Somaliland waxay mar kale xaqiijinaysaa go’aan-keeda nabadda, wada-hadalka, iyo iskaashiga gobolka, hase yeeshee, waxay qaadi doontaa tallaabo adag oo ay ku difaacayso madaxbannaanideeda,” ayay warsaxaafadeedu sii raacisay.
Iyadoo ay jiraan digniino isdaba joog ah oo ka imanaya xukuumadda Somaliland, haddana wufuud iyo ciidamo kamandoos ah oo hor dhac u ah safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku qulqulaya magaalada Laascaanood.
Maamulka SSC-Khaatumo ayaa ka digay tallaabo kasta oo ka dhan ah safarka Ra’iisul Wasaaraha oo ay Somaliland qaado, iyagoo sheegay inay awood buuxda u leeyihiin sugidda ammaanka Ra’iisul Wasaaraha.