4/25/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 12, 2025
Ra'iisul wasaare Xamse oo safar taariikhi ah ku tagay magaalada Laascaanood, iyadoo si weyn loo soo dhaweeyay
 

Sabti, April 12, 2025 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa safar taariikhi ah ku tagay magaalada Laascaanood, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay madaxda SSC-Khaatumo iyo boqollaal shacab ah oo tan iyo saaka waddooyinka u tubnaa soo dhoweyntiisa.

Safarka Xamse Cabdi Barre ayaa noqonaya masuulkii ugu horreeyay ee ka socda dowladda Soomaaliya uu ku tago magaaladan tan iyo burburkii dowladdii kacaanka. Safarkan ayaa yimid kadib markii Laascaanood ay horraantii sannadkii 2023 ka baxday gacanta Somaliland, kadib muddo 15 sano ah oo ay ka talinaysay magaalada.

"Waxaan ku faraxsanahay in aan maanta idinla joogno, waanan idinla joogi doonaa. Wixii is-waraysi ah, kaftan, sheeko iyo wax-qabadba waynu iskugu iman doonaa. Booqashadeenani waxay xambaarsan tahay midnimo iyo walaaltinimo Soomaaliyeed," ayuu ku yidhi Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, hadal kooban oo uu kumanaan shacab ah ugu jeediyay magaalada Laascaanood.

Maamulka SSC-Khaatumo oo haatan ah ku-meel-gaadh, balse rajo ka qaba in uu aqoonsi buuxa ka helo Dowladda Federaalka, ayaa socdaalka Xamse Cabdi Barre u arka mid muhiim ah, iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ay qabanqaabada soo dhoweyntiisu ka socotay magaalada Laascaanood.

Kahor safarka Ra’iisul Wasaaraha, waxa magaalada soo gaadhay wufuud iskugu jirta wasiiro, xildhibaano, taliyayaal ciidan, wariyayaal iyo dad kale oo baraha bulshada caan ka ah, kuwaasoo usii gogol-xaadhayay socdaalka Xamse Cabdi Barre.

Maalmaha soo socda waxa la filayaa inuu baaqi kusii ahaan doono Ra'iisul wasaare Xamse magaalada Laascaanood halkaasi uu kulamo kula yeelan doono Madaxda SSC Khaatumo iyo wax garadka degaanadaasi.

Somaliland oo Laascaanood u aragta qayb dhulkeeda ka mid ah, ayaa si xooggan uga qaylisay socdaalka Xamse Cabdi Barre, iyadoo ku tilmaantay "gardarro qaawan" oo ka dhan ah madax-bannaanideeda dhuleed. Dhanka kale, waxa la rajaynayaa in dowladda Federaalka ay ku dhawaaqdo mashaariic lagu horumarinayo deegaanada SSC-Khaatumo, kadib booqashada Ra’iisul Wasaaraha.

Wasiirka Warfaafinta SSC Khaatumo ayaa ku tilmaamay booqashada Ra'iisul wasaaraha uu ku tagay magaalada Laascaanood inay maalin weyn u tahay reer Khaatumo waxaana uu xusay inuu soo gababobay 30sano gooni goosadkii la damacsanaa iyo kala gooynta Soomaalida waxaana uu sheegay in tani ay tahay mid abuureysa midnimada Soomaaliyeed.