Sabti, April 12, 2025 (HOL) - Guddoomiye ku xigeenka amniga maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye Yabooh ayaa shaaca ka qaaday iney dhamaan degmooyinka gobolka ay u diyaarsan yihiin qabsoomida doorashada qof iyo codka ah
Guddoomiye Yabooh ayaa sidoo kale xusay in 15-ka bishaan ay ka bilaaban doonaan sagaal ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir diiwaan galinta bulshada, si ay uga qeyb qaataan doorashooyinka dowladaha hoose.
"15-ka bishan sagaal ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir waxaa laga qabanayaa is diiwaan gelinta dadweynaha ee doorashada qof iyo cod, taasoo muujineysa sida maamulka iyo shacabka gobolka Banaadir ugu diyaarsan yihiin iney qabsoonto doorashooyinka qof iyo codka ah" ayuu yiri gudoomiye Maxamed Axmed Diiriye Yabooh.
Wuxuu sidoo kale tilmaamay guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka Banaadir in lasoo gabagabeeyay goobaha loo asteeyay in doorashooyinka ka qabsoomaan ee ku yaal 20 degmo ee gobolka Banaadir.
"Guddiga doorashooyinka madaxa banaan iyo maamulka gobolka waxay soo gabagabeyeen dhamaan goobaha loogu talo galay iney ka dhacaan doorashooyinka dowladdaha hoose bilaha soo socda ee Juun iyo Julaay, dadka gobolka waxay diyaar u yihiin iney soo doortaan masuuliyiin ay la xisaabtami karaan" ayuu yiri guddoomiye Yabooh.
Hadalka kasoo yeeray guddoomiye Yabooh ayaa imaanaya, iyadoo wali guddiga doorashooyinka ay diidan yihiin siyaasiyiinta Mucaaradka ah iyo madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland.