Sabti, April 12, 2025 (HOL) - Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa si adag u cambaareeyay safarka uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ku tagay magaalada Laascaanood, iyaga oo ku tilmaamay tallaabo xadgudub ku ah madaxbannaanida Somaliland.
"Xisbigu waxa uu si adag u cambaaraynayaa duulaanka qaawan ee maamulka Muqdisho kusoo qaaday Somaliland... halkii uu maamulka Muqdisho ka xalin lahaa dhibaatooyinka ka taagan, waxa uu doorbiday inuu colaad ka huriyo gobolka Sool," ayuu yidhi Cabdiwali Sheekh Suufi oo ku hadlayay afka xisbiga Kulmiye.
Xisbigu waxa kale oo uu xukuumadda Somaliland ku eedeeyay in aanay uga jawaabin si waafaqsan baahida iyo xaaladda jirta, isla markaana jawaabta xukuumaddu ay ku koobnayd wasiirro si gooni-gooni ah uga hadlay arrinta gobolka Sool.
Dhanka kale, hoggaanka sare ee xisbiga Kaah ayaa isaguna si adag u cambaareeyay socdaalka Ra’iisul Wasaare Xamse, iyaga oo ku tilmaamay xadgudub ka dhan ah madaxbannaanida Somaliland, oo ay sheegayeen in ay dowladda Soomaaliya samaysay, iyaga oo sheegay in gobolka Sool uu ka mid yahay dhulka Somaliland.
Xukuumadda Somaliland ayaa ka hor safarka Ra’iisul Wasaaraha dhowr jeer ka hadashay, iyada oo sheegtay inay qaadayso tallaabooyin adag oo lagaga jawaabayo socdaalkaasi, kuna tilmaantay mid xasarad ka abuuri kara gobolka.
Sidoo kale, Golaha Wakiillada Somaliland oo maanta soo saaray go’aamo ka dhan ah socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo jeediyay in gabi ahaanba la joojiyo wadahadallada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, isla markaana ay xukuumaddu qaaddo tallaabooyin cad-cad oo lagaga jawaabayo safarkaasi, oo ay ku tilmaameen "faragelin".
Safarka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ee magaalada Laascaanood ayay dowladda Soomaaliya ku sheegtay in uu yahay mid lagu xoojinayo midnimada isla markaana qayb ka ah dadaallada lagu dhisayo dowlad Soomaaliyeed.