4/25/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 12, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in Ra’iisul Wasaare Xamse uu xal u raadinayo xiisada Laascaanood
 

Sabti, April 12, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uu xal u raadinayo xiisada ka dhex aloosan Somaliland iyo SSC-Khaatumo.

Madaxweynaha oo waraysi siiyay warbaahinta Turkiga, laguna waydiiyay socdaalka uu Ra’iisul Wasaare Xamse ku joogo Laascaanood, ayaa sheegay in Xamse uu halkaas u tagay si uu u abuuro jawi wadahadal uu ku dhexmari karo Somaliland iyo SSC-Khaatumo.

“Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu halkaas u joogaa in uu xal raadiyo, waayo khilaafkaasi weli lama xallin, wuu huursan yahay, labada dhinacna maxaabiis ayay kala haystaan. Markaa Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu halka u joogaa in la helo jawi lagu wada hadli karo, waayo waxa jira caqabado hor taagan in si dhab ah loo wada xaajoodo,” ayuu yidhi Madaxweyne Xasan Sheekh.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ku tilmaantay mid lagu xoojinayo midnimada Soomaaliya, arrintaas oo ka cadhaysiisay Somaliland oo gobolka Sool u aragta qayb ka mid ah dhulkeeda.  Xukuumadda iyo goleyaasha Somaliland ayaa si adag u cambaareeyay socdaalka Ra’iisul Wasaaraha.

SSC-Khaatumo oo ah maamul ay dadka deegaanka aasaaseen kadib markii Somaliland laga saaray Laascaanood horraantii 2023, isla markaana taabacsan dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa soo dhaweeyay socdaalka Ra’iisul Wasaaraha, waxayna u arkaan mid horseedi kara aqoonsi rasmi ah oo ay ka helaan Dowladda Federaalka.

Haddaba, khilaafka u dhexeeya Somaliland iyo SSC-Khaatumo ayaan weli xal laga gaadhin, iyadoo labada dhinacba ay weli kala haystaan maxaabiis. Waxaana sidoo kale jira muran dhuleed oo mar kale keeni kara colaado hor leh.