4/25/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 13, 2025
AUSSOM oo wajahaysa khatar dhaqaale iyo Midowga Afrika oo digniin u diray Golaha Ammaanka
 

Axad, April 13, 2025 (HOL) - Sivuyile Bam, Madaxa Howlgalka Taageerada Amniga Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), ayaa ka digay in howlgalka cusub uu wajahayo khatar weyn oo ku saabsan sii jiritaankiisa, kaddib markii ay sii xoogeysatay dhaqaale xumada heysata AUSSOM.

Isaga oo la hadlayay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC) kulan gaar ah oo looga hadlayay xaaladda Soomaaliya, Bam ayaa sheegay.

“Xaaladda maaliyadeed ee AUSSOM waa mid aad u xun, khatarna ku ah jiritaanka howlgalka.”

Bam wuxuu xusay in howlgalka uu ku tiirsan yahay helidda maalgelin joogto ah iyo in ciidamada AUSSOM la keeno dalka si waqtiyeysan. Waxaa uu si gaar ah uga digay saameynta ba’an ee ay leedahay bixinta mushahar la’aanta ee socotay ilaa 7-9 bilood, taasoo keentay niyad-jab xooggan oo gaaray shaqaalaha rayidka ah iyo kuwa milatariga ee howlgalka ku jira.

Wuxuu sidoo kale caddeeyay in lagu wado in Kampala lagu qabto shir muhiim ah 25-ka April, kaas oo lagu wado in lagu xalliyo kala-duwanaanshaha u dhexeeya Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ee la xiriira maalgelinta howlgalka.

AUSSOM ayaa hadda kordhisay tirada ciidamadeeda kahor 30-ka June, taariikhda la filayo in si buuxda looga guuro ATMIS, balse weli waxaa jira caqabado dhaqaale oo baahsan, kuwaas oo khilaafsan qorshaha uu dhigayo qaraarka UNSC ee tirsigiisu yahay 2767.

Qaraarkaasi wuxuu dhigayay saddex ikhtiyaar oo lagu maalgelin karo howlgalka AUSSOM, iyadoo lagu taliyey istiraatijiyad “isku-dhafan” oo mas’uuliyaddeeda ay si wadajir ah u qaataan Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.