Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Shirkadda Starlink guddoonsiiyay rukhsadda adeegga internetka

Axad, April 13, 2025 (HOL) - Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa maanta guddoonsiisay Shirkadda Starlink rukhsadda isgaarsiineed oo ay kaga howlgeleyso dalka. Munaasabadda guddoonsiinta oo ka dhacday caasimadda Muqdisho, waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiin ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Shirkadda Starlink.
Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Soomaaliya, Maxamed Aadan Macallin, oo munaasbaadda goobjoog ka ahaa, ayaa sheegay in dowladdu ku faraxsan tahay in Starlink soo gaarto dalkeena.
“Waxaan soo dhoweyneynaa in Starlink soo gaarto dalkeena. Tallaadaban waxay la jaanqaadeysaa aragtida fog ee dowladda ee ah in shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan la gaarsiiyo adeeg internet oo meel kasta gaari kara, isla markaana la awoodi karo,” ayuu yiri wasiir Maxamed Soomaali.
Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mustafa Yaasin Sheekh oo xafladda guddoonsiinta ka hadlayay ayaa sheegay in soo-gelitaanka Starlink ee Soomaaliya ay wax weyn ka tari doonto dadaallada lagu doonayo in adeegyada internetka lagu gaarsiiyo dalka oo dhan.
“Waxa aan rajeyneynaa in adeeggan uu si gaar ah u anfici doono shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan ganacsiyada, hay’adaha dowladeed ee ka baxsan magaalooyinka waaweyn oo adeegga internet-ku xaddidan yahay,” ayuu yiri Maareeye Mustafa.
Adeegga internetka ee Starlink ayaa la filayaa in uu kaabi doono adeegyada Isgaarsiinta ee dalka jira, isaga oo wax weyn ka tari doono in adeegga internetku wada gaaro dalka oo dhan, isagoo sahlaya in adeegyada looga faa’iideysto internetka uu wada gaaro dadweynaha oo dhan.
"Dalkeena waxaa hore u soo gaaray dhowr xarig internet oo ka soo dagay qaar ka mid ah xeebaha dalka, iyadoo Starlink-na ay ku soo kordhineyso adeeg cusub oo dhinaca dayaxgacmeedka ah oo gaari kara meel kasta oo dalka ka mid ah" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka.