4/25/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 13, 2025
Madaxweynaha Somaliland oo safarka Ra’iisul Wasaare Xamse ku tilmaamay masuuliyad-darro
 

Axad, April 13, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa safarka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, uu ku tagay Laascaanood ku tilmaamay mid muujinaya masuuliyad-darro.

Waxa uu sheegay in Ra’iisul Wasaaruhu uu safarka ku yimid qayb ka mid ah Somaliland, sidaa darteedna ay dowladda Soomaaliya qaadi doonto masuuliyadda wixii dhibaato ah ee ka dhalata.

"Waxaanu u sheegnay in safarka Ra’iisul Wasaaraha ee masuuliyad-darrada ah ee uu ku yimid dhulka Somaliland, wixii khasaare ah ee ka yimaada ay Soomaaliya iyo cidii soo dirsatayba ay qaadi doonaan," ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.

Waxa uu sheegay in Somaliland ay dhawaan heli doonto aqoonsi buuxa, isla markaana ay ku hawlan tahay dhismaha ciidan xooggan. Waxa uu intaa ku daray in Somaliland ay isdifaacayso.

Waxa kale oo uu sheegay in cid kasta oo kasoo horjeeda Somaliland aysan wax dhibaato ah u geysan doonin, isla markaana Somaliland ay muujisay in ay tahay dowlad masuul ah oo lala macaamili karo, taasina ay keentay in caalamku boggaadiyo.

Waxa uu xusay in markii xukuumaddiisu ay xilka la wareegtay 12-kii December ee sanadkii hore, ay ku baaqeen nabad shuruud la’aan ah oo ay kula noolaadaan dhammaan jaarka. Waxa uu sidoo kale sheegay in uu aas-aasay guddi nabadeed, isla markaana la qarameeyey ciidamadii beeleeha, si nabadda loo hirgeliyo.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo maalintii labaad ku sugan magaalada Laascaanood, ayaa kulamo kala duwan la yeeshay madaxda iyo bahda dhaqanka ee SSC-Khaatumo, isaga oo sidoo kale dhagax dhigay mashaariic horumarineed oo ay dowladda Soomaaliya ka fulinayso degmada Laascaanood.

Madaxda SSC-Khaatumo ayaa sheegay in safarka Ra’iisul Wasaaruhu uu muujinayo in ay dhimatay rajadii ay Somaliland ka qabtay in ay noqoto dowlad madaxbannaan.