Raysal Wasaare Xamse oo maanta Mashaariic waa weyn ka dhagax dhigay magaalada Laascaanood
Axad, April 13, 2025 (HOL) - Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo uu wehlinaayay Hoggaamiyaha Maamulka SSC Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay ilaa sideed mashruuc oo muhiim u ah maamulka SSC Khaatumo.
Mashaariicdaan uu maanta dhagax dhigay Raysal wasaare Xamse ayey dowladda Federaalka Soomaaliya ka hirgelinaysa magaalada Laascaanood iyo guud ahaan deegaanada kale ee maamulka SSC Khaatumo.
Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay muhiimad gaar ah siineyso sidii adeegyada aas aasiga ah loo gaarsiin lahaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed, isagoona xusay in mashaariicdan ay xoojin doonaan isku xirka bulshada iyo dowladnimada ayna u gogol xaarayaan kobac dhaqaale iyo horumar waara oo laga hirgaliyo dalka.
Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay iney
farxad galinayso dhismaha xarumahan muhiimka ah ee bixin doona adeegyada
muhiimka ah ee dowladda, wuxuuna sidoo kale balan qaaday in mashaariic
kale oo badan sidaan oo kale ay dowladdu ugu hirgelin doonto
mustaqbalka deegaanada SSC Khaatumo.
Sideeda Mashaariic ee Maanta laga dhagax dhigay Laascaanood ayaa kala ah:-
1- Madaxtooyada Maamulka SSC-Khaatumo.
2- Xarunta Socdaalka iyo Jinsiyadda, Laanta Laascaanood.
3- Xarunta Boliiska Maamulka SSC-Khaatumo.
4- Xarunta Cilmiga Farsamada Gacanta ee Sayid Maxamed.
5- Waddo laami ah oo isku xiri doonta Samakaab iyo Buuhoodle.
6- Xafiisyo kala duwan oo ay ku shaqeyn doonaan Maamulka SSC-Khaatumo.
7- Xarunta Qaranka ee Gurmadka degdegga ah (SoDMA).
8- Isbitaalka Dowladda SSC-Khaatumo.
Dhinaca kale Raysal wasaare Xamse ayaa si rasmi ah xariga uga jaray xarunta hay’adda diiwaan galinta aqoonsiga dadweynaha ee (NIRA) ku yeelan doonto Magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, taasoo bulshada deegaanka u qaban doonta adeegyada muhiimka ah oo ay bixiso hay'addaan ee Kaarka Aqoonsiga Qaranka (Natinal ID), iyagoo ka baaqsan doona in adeeggaan ay safar dheer u galaan.
“Qofka Muwaadinka ah waa in la diiwaan galiyo, oo uu aqoonsi helo, waana qodob Dastuuri ah, marka xaqiiqdaas ayaa uga curatay reer Khaatumo deegaanada maamulka, waana ku faraxsanahay in Madaxweynuhu noqdo qofkii ugu horreeyey ee la diiwaan galiyo” ayuu yiri Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.
Ugu dambeyntii booqashada Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre uu ku tagay Laascaankod ayaa ah tii ugu horreysay ee Raysal Wasaare Soomaaliyeed uu ku gato Laascaanood in ka badan 50 sano.