Axad, April 13, 2025 (HOL) - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa fikirka gooni-isu-taagga Somaliland ku tilmaantay khatar weyn oo dalku wajahayo, sida uu maanta sheegay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.
Ra’iisul Wasaaraha oo safar ku jooga magaalada Laascaanood ayaa gooni-isu-taagga Somaliland ku sheegay inuu yahay dambi weyn.
"Nidaamka Soomaali ka guuritaanka ah, Soomaalinimo-diidnimada, in qofku yidhaahdo ‘Soomaalinimadii waan ka tagay’ waa khatar weyn oo dalka ka jirta. Qof ayaa si fudud u odhanaya ‘Soomaaliya kama mid ihi’, taas oo waagii hore loo aqoonsan jiray dambiga ugu weyn,” ayuu yidhi Ra’iisul Wasaare Xamse.
Wuxuu sheegay in gooni-isu-taagga Somaliland uu halis weyn ku yahay nolosha shacabka Soomaaliyeed iyo jiritaanka dowladnimada dalka. Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in mawqifka Somaliland uu khatar gelinayo madax-bannaanida biyaha iyo berriga Soomaaliya, oo ay suuragaltahay in cid kale loo gacan galiyo.
“Haddii aan nahay dowladda, mar hore ayaan aqoonsannay in arrintaasi ay khatar ku tahay midnimada iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed. Soomaalinimada ayaa halis weyn ku jirta,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Ra’iisul Wasaaruhu.
Wuxuu u mahadceliyay bulshada reer SSC Khaatumo, isagoo sheegay in ay yihiin astaan muujinaysa ilaalinta midnimada Soomaaliya.
Dhanka kale, Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa maanta sheegay in Somaliland dhawaan ay heli doonto aqoonsi caalami ah, isla markaana uu cadaadiska kaga imaanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya aanu wax saamayn ah ku yeelan doonin.
Somaliland ayaa 18-kii May 1991 magaalada Burco kaga dhawaaqday inay ka baxday midowgii 1960-kii, kaddib dagaallo dhiig badan ku daatay oo dhex maray dowladdii Kacaanka iyo ururkii SNM, kaasoo markii dambe ka adkaaday xukunkii milatariga.
Inkasta oo Somaliland lagu majeerto nabadda iyo dimuqraadiyadda, haddana 34-kii sano ee la soo dhaafay waxay ku jirtay raadinta aqoonsi caalami ah. Madaxweyne Cirro ayaa sheegay inay hadda ka filayaan in Mareykanku aqoonsado.
Dowladda Soomaaliya ayaa sannadkii hore sheegtay in fikirka gooni-isu-taagga Somaliland uu yahay khatarta labaad ee ugu weyn ee uu dalku wajahayo, marka laga yimaado argagixisada.