Isniin, April 14, 2025 (HOL) - Taliye ku xigeenka qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Cabdullaahi Barre Cilmi ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay dagaalo culus oo maalmahii ugu dambeeyay ka socday deegaanka Abooreey ee gobolka Hiiraan.
Taliyaha ayaa sheegay in dagaalka Aboorey ka socda lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan oo ka tirsan kooxda Al-shabaab oo isaga kala yimid meelo kala duwan oo ka mid ah dalka.
"Abooreey khawaariijta waxaan uga dilnay ilaa sideed horjooge oo Ajaaniib u badnaa laba ka mid ah madaxoodu waxaa dul saarneyd lacago Malaayiin doolar, mid waxuu u dhashay Kenya oo wuxu u qaabilsana isku xirka Jabhadaha Kenya iyo Soomaaliya" ayuu yiri Taliye ku xigeenka qeybta 27-aad ee ciidanka Militariga Soonaaliya Cabdullaahi Barre Cilmi.
Wuxuu sidoo kale tilmaamay Taliyaha in meydadka kooxda uu wali dhooban yahay qeybo ka mid ah gudaha deegaanka Abooreey, islamarkaana ay soo afjari doonaan inta harsan ee wali ka dagaalemeysa qeybo ka mid ah deegaanka.
"Cadawga Khawaariijta waxay u mitidayaan oo wali uga dagaalamayaan qeyb ka mid ah Abooreey waa inaan la aqoonsan meydadka madaxda lacagaha dul saarneyd, iyagoo diidan in la helo lacagaha dul saarana horjoogayaasha halkaan lagu dilay" ayuu yiri Taliye ku xigeenka qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Soonaaliya Cabdullaahi Barre Cilmi.
Hadalka taliye ku xigeenka qeybta 27-aad ayaa kusoo aadaya, iyadoo todobaadkii labaad uu galay dagaalka ka socda gudaha deegaanka Abooreey ee gobolka Hiiraan ee u dhaxeeya ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka oo dhinac ah iyo kuwa Al-shabaab.