4/25/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 14, 2025
Maraykanka oo cunaqabatayn kusoo rogay 15 xubnood oo katirsan kooxda Alshabaab
 

Isniin, April 14, 2025 (HOL) - Dowladda Mareykanka ayaa cunaqabatayn ku soo rogtay 15 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ka howlgasha gudaha Soomaaliya, kuwaasoo lagu eedeeyay maalgelinta iyo taageeridda kooxda xagjirka ah.

Tallaabadan oo si wadajir ah loo qaaday iyada oo lala kaashanayo Xarunta Bartilmaameedka Maalgelinta Argagixisada (TFTC), ayaa loogu talagalay in looga hortago in kooxda la xiriirka la leh al-Qaacida ay helaan shabakado maaliyadeed si ay u helaan maalgelin, una fuliyaan weerarro, una sii wadaan ficiladooda rabshadaha wata,” sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Kaaliyaha Ku-meel-gaarka ah ee Waaxda Maaliyadda Mareykanka u qaabilsan Maalgelinta Argagixisada, Anna Morris.

Lama sheegin magacyada xubnaha Alshabaab ee lagusoo rogay cunaqabataynta. Sidoo kalena lama caddayn nuuca qabataynta lagusoo rogay shakhsiyaadkan.

“Al-Shabaab waxay sii waddaa inay cabsi geliso oo ay baad ka qaaddo shacabka Soomaaliyeed, waxayna ku khasbeysaa beeraleyda inay siiyaan xoolo, waxayna afduubtaan dad rayid ah,” ayay tiri Anna Morris Isniintii maanta.

Mareykanka ayaa ku bixiyay in ka badan $2.5 bilyan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo aan wax badan laga gaarin natiijo la taaban karo.

Bishii Maarso, Mareykanku wuxuu qaaday laba duqeyn oo uu ku sheegay weerarro isdifaac ah oo ka dhan ah kooxaha Shabaab iyo  Daacish.

TFTC, oo ay xubno ka yihiin Sacuudi Carabiya, Baxreyn, Kuwait, Cumaan, Qatar, iyo Imaaraadka Carabta, waxay iska kaashadaan tallaabooyin ay ku jiraan cunaqabateyn bartilmaameed ah si loo xoojiyo hay’adaha ka hortagga maalgelinta argagixisada.

Qaramada Midoobay waxay sidoo kale cunaqabatayn saartay Al-Shabaab si looga hortago inay helaan hub iyo rasaas.