Isniin, April 14, 2025 (HOL) - Warbixinno la helay ayaa sheegaya in ay Dowladda Isu-tagga Imaaraatka Carabta (UAE) ay magaalada Boosaaso gaar ahaan meel ku dhow saldhigga diyaaradaha gaysay nidaam raadaar oo casri ah.
Kooxaha OSINT-ka ayaa tilmaamay goobtaas inay ku taallo
11°16'16.5"N 49°06'28.3"E.Nidaamkan oo ay samaysay shirkadda Israa’iil ee ELTA Systems, ayaa loo adeegsan karaa dhowr hawlood, sida kormeerka hawada iyo madaafiicda, iyo sidoo kale la socodka gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Tallaabadan, oo ay ogaadeen ilaha sirdoonka, ayaa keentay su’aalo ku saabsan ujeeddada istiraatiijiyadeed ee Imaaraadka Carabta uu ka leeyahay gobolka Geeska Afrika oo ah mid xasaasi ah.
Inkasta oo aan si dhab ah loo ogeyn ujeeddada rasmiga ah ee keenista raadaarka, haddana waxay muujinaysaa in Imaaraadka uu sii fogeynayo raadkiisa milatari iyo istiraatiijiyadeed ee gobolka muhiimka u ah ganacsiga iyo amniga caalamiga ah.
Raadaarkan waa raadaar guur-guura oo ku shaqeeya S-band, waxaana lagu yaqaannaa inuu xogta kala socon karo masaafo u jirta qiyaastii 470 kiiloomitir.
Waxa uu si heer sare ah uga shaqeeyaa dhowr hawlood, ogaanshaha diyaaradaha, raadinta gantaallada riddada dheer, helidda halka laga riday madaafiicda, iyo hagidda nidaamyada difaaca hawada sida Iron Dome iyo David’s Sling ee Israa’iil.
Arrintaan ayaa kusoo aaddayssa, xilli Xuutiyiinta Yemen ay ku hanjabeen inay beegsan doonaan Maraykanka iyo xulufadiisa oo uu Imaaraatku ku jiro.