4/25/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 15, 2025
Taliska Booliska Qeybta Gobolka Banaadir oo ka digay in la buunbuuniyo aragtiyada Kooxda Al shabaab
 

Talaado, April 15, 2025 (HOL) - Taliyaha Booliska ee qeybta Gobolka Banaadir Macalim Mahdi oo maanta Shir jaraaid ah ku qabtay magaalada Muqdisho kana hadlaayay Degmada Shingaani oo maanta ay ka bilaabatay qaadashada Kaarka Codbixinta Doorashada Qof Iyo Codka ayaa uga digay dad uu sheegay inay war xuma tashiil yihiin ay ka fogaadaan wararka ay baahinayaan.

Macalim Mahdi ayaa shaaca ka qaaday in ay jiraan dhalinyaro isticmaasha baraha Bulshada kuwaasi oo saameyn ka raadinaya baahinta aragtiyada Al-shabaab iyo warbixinada Kooxdaasi ku saabsan ayna uga digayaan inay tabiyaan waxaan sal lahayn ayna sharciga la tiigsan doonaan ciddii ay ku helaan falkaasi.

"Dhalinyara waxaa jira Views ka raadinaya baahinta warar sal lahayn una jan jeera inuu cadowga taageero siinayo aad moodo, waxaan leenahay Khawaarijtu idinma dhaxeeyso waa cadowga Soomaaliyeed ujeedka ay leeyihiina waa inay dilaan shacabka Soomaaliyeed, sidaas darteed waxay rabaan inaad tabiso warkoodo, lamana aqbalayo waraan sal iyo xaqiiq aan ahayn inaad tabiso, sharciga ayaan la tiigsan doonnaa cidii aan falkaasi ku helno" ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Booliska ee Qeybta Gobolka Banaadir Macalim Mahdi.

Sidoo kale waxa uu xusay taliyaha inay Booliska Diyaar u yihiin inay si weyn u sugaan ammaanka guud ahaan 16ka Degmo ee loo asteeyay in laga qaato kaarka codbixinta Doorashada Qof iyo Codka ah waxaana uu ugu baaqay shacabka inay laamaha amaanka la shaqeeyaan.

Booliska Soomaaliya ayaa dhowanahaan waxa ay il gaar ah ku hayeen ragga baraha Bulshada ku faafiya wararka ay sheegtaan Kooxda Al shabaab iyo kuwa liddiga ku ah Dowladda federaalka Soomaaliya.