4/25/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 15, 2025
Cali Jeyte "Reer Hawiye ah ayuu cadawga naga dhex gala marka ceyrsano, hadaa ka daba taga is dhahnana waa nagula qeyliya"
 

Talaado, April 15, 2025 (HOL) - Hoggaamiyaha ciidanka difaaca deegaanka ee Macawiisleeyda Soomaaliya Cali Jeyte Cismaan ayaa si adag ugu dhaliilay beelaha Hawiye dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka socda qaar ka mid ah gobolada dalka.

Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in beelaha Hawiye intooda badan ay yihiin kuwa indhaha ka eeganaya beesha Xawaadle kula jirto dhowrkii sano ee lasoo dhaafay kooxda Al-shabaab.

"Dagaalka aan la galnay khawaarijta beelaha Hawiye qaarkood wey nagu fiirsanayeen, waliba waxaa intaas inoo sii dheereyd marka cadawga soo ceyrsano waxay naga galayeen dhul Hawiye oo inaan ka dabagalno naloo ogoleyn, in kaalmo laga helo warkeeda iskaba daaye, waliba marar badan rag masuuliyiin ah ay nagu aflagadeeyeen inta ay Idaacadaha soo fariisteen" ayuu yiri Hoggaamiye Cali Jeyte.

Wuxuu sidoo kale xusay in dagaalka Al-shabaab looga guul gaari karo kaliya in loo midoobo oo beelaha Hawiye isku garab istagaan la dagaalanka Al-shabaab.

"Hawiyow dadkaada oo la leynaayo inaad indhaha ka eegataam waa ceeb ee cadawga aan u midowno, anaga waxaan heyna qorshahii khawarijta lagu ciribtiri lahaa, hadii shirkaan uu yahay shir dhab ah oo la doonayo in Khawarij aan uga xureyneyno dhulka Hawiye, tusaale hada hawiye iskaba daaye Xawaadle ayaan ku mideysneen dagaalka ka socda Aboorey, waana waxa fursada ku helayaan Khawarijta" ayuu yiri  Hoggaamiye Jeyte.

Cali Jeyte Cismaan ayaa hadalkaan ka sheegay shirweyne beelaha Hawiye isugu yimaadeen, kaasoo ahaa mid ka dhan ah taageerada la dagaalanka kooxda Al-shabaab.