Talaado, April 15, 2025 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda arrimaha Dibadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa guul weyn ku tilmaamay in 50 sano ka badan markii ugu horeysay Shacab Soomaaliyeed isku diiwaan galiyeen maanta doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka dhacda.
Wasiir Fiqi oo tagay goobta diiwaan galinta ka socotay maanta ee degmada Shangaani ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay yihiin kuwa u diyaarsan doorasho qof iyo cod ah.
"55 sano kadib inaan maanta joogno shacabkeena oo doorasho isku diiwaangalinaya waa guul taariikhi ah, Shacabka Shangaani waxay muujiyeen biseylka dadka Soomaaliyeed u qabaan doorasho dadweyne" ayuu yiri Wasiir Axmed Macalin Fiqi.
Wuxuu sidoo kale sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi in doorashada qof iyo codka ah iney ka dhici doonto guud ahaan deegaanada maamul goboleedyada dalka, isagoona ugu baaqay dadka Soomaaliyeed iney is diiwaan galiyaan.
"Shacabka Soonaaliyeed waxaan leeyahay is diiwaan galiya si aad u doortaan masuulkii ku maamuli lahaa, hadii aadan is diiwan galin ma heli diontid inuu maamulka qabto masuulkii aad u baahneyd"ayuu yiri Wasiir Fiqi.
Ugu dambeyntii Wasiir Fiqi ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay ka gudubtay xiliyadii qaar ka mid ah dalalka shisheeye ku hagi jireen doorashada dadbaneyd, isagoona mucaaradka ugu baaqay iney u diyaar garoobaan doorashada qof iyo codka ah.
"Dalkaan doorasho qof iyo cod ah kaliya ayaa ka dhaceysa, waan ka soo gudubnay waqtii teendhada Ajaaniibta nagu hagi jirtay, qolyaha mucaaradka waxaan leeyahay dalkan doorasho qof iyo cod ah waxaan aheyn kama dhacayaan" ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi.
Hadalka Wasiir Fiqi ayaa kusoo aadaya, iyadoo maanta degmadii ugu horeysay ee magaalada Muqdisho ay ka bilaabatay is diiwaan galinta doorashada qof iyo codka ah, iyadoo walina ay kasoo horjeeedaan siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland.