4/25/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 15, 2025
Soomaaliya oo shirkadaha Maraykanka ugu yeertay inay shidaal baaris ka sameeyaan SSC Khaatumo
 

Talaado, April 15, 2025 (HOL) - Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Maraykanka, Daahir Xasan Carab, ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya si rasmi ah ugu furan tahay sahaminta iyo qodista shidaalka.

Qoraal uu ku daabacay bartiisa X (Twitter), ayuu sheegay in uu ku casuumayo shirkadaha tamarta ee Maraykanka inay dib ugu soo laabtaan dalka, si ay sahmin shidaal uga sameeyaan ceelasha shidaalka.  

"Waan ku faraxsanahay inaan ku dhawaaqo in Soomaaliya si rasmi ah ay ugu furan tahay qodista shidaalka. Waxaan ku martiqaadayaa shirkadaha tamarta ee Mareykanka inay dib ugu soo laabtaan dalka," ayuu yiri Safiirku.

Wuxuu sidoo kale sheegay in maamulka cusub ee SSC-Khaatumo oo hadda si rasmi ah loogu aqoonsaday dawlad xubin ka ah Dowladda Federaalka, ay sahleyso in laga fuliyo dhulkeeda mashaariic horay hakad u galay.

"Ka qaadista xaaladdii 'force majeure' waxay xaaladda u sahlaysaa in si buuxda loo bilaabo sahamin iyo qodis shidaal oo ka dhacda dooxada hodanka ku ah khayraadka ee Nugaal Valley Basin," ayuu hadalkiisa ku daray safiirku.

Hadalkan kasoo baxay safiirka Soomaaliya ee Washington ayaa kusoo beegmay, saacado kaddib markii dowladda Federaalka Soomaaliya ay si rasmi ah SSC Khaatumo ugu aqoonsatay xubin kamida ah dowlad goboleedyada dalka.