Arbaco, April 16, 2025 (HOL) - Wararka ka imaanaya degaanada Jubbooyinka ayaa sheegaya in Ciidamada Daraawiishta Jubaland iyo kuwa Kumaandooska Danab ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen tuulooyinka lagu kala magacaabo Harari Balle, iyo Dhalajo, oo hoostaga degaanka Awoodin ee Gobolka Jubbada hoose.
Wararka waxa ay intaasi ku darayaan in Howlgalkaas lagu beegsaday horjoogayaal sar sare oo katirsan kooxda Al shabaab kuwaas oo shir ku lahaa meel aan ka fogayn tuulada Harari Balle ee Jubbada Hoose.
Saraakiisha howlgalkaan hogaamineysay ayaa shaaca ka qaaday in howlgalka uu yimid kagadaal markii Ciidamadu ay heleen xog sirdoon oo sugan taasoo horseeday in si degdeg ah loo weeraro goobta shirka uu uga socday Kooxdaan.
Intii uu socday howlgalka waxaa lagu dilay horjoogayaashii ugu badnaa ee abid hal goob looga dilo kooxda Al shabaab ee ku sugan Jubbada hoose sida ay saraakiisha hadalka u dhigeen.
Horjoogayaasha ayaa waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha Guud ee Gobolka Jubbada hoose ugu magacawnaa Al shabaab Xasan Muudey, horjooge Macalin Ibraahim, horjoogaha Guud ee Deegaannada ee wayanta Cali Dudiye, horjooge Maxamed Yare.