Hiiraan Online
4/25/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 16, 2025
Ciidamo cusub oo ka socda Jabuuti oo ka degay magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan
Arbaco, April 16, 2025 (HOL) - Waxaa magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan gaaray ciidamo cusub oo ka socda dalka Jabuuti kuwaasi oo qeyb ka ah howlgalka cusub ee AUSSOM, waxaana la geeyay Buula Burde iyo Jalalaqsi oo ah labada magaalo ee istiraatiijiga ah ee gobolka Hiiraan.
Taliyaha Qeybta Afaraad ee howlgalka AUSSOM, Col. Saciid Waaberi iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka ayaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne.
Saraakiishii soo dhoweeysay ciidankaan cusub oo warbaahinta lahadlay ayaa ku nuux-nuux saday doorka ay ka qaadanayaan howlgallada wadajirka ah ee ciidamada XDS ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sugidda ammaanka gobollada dhexe ee Soomaaliya.
Ciidamadaan cusub ayaa ku biiri doona dagaalka ka dhanka ah Kooxda Al shabaab oo dhowaanahaan weeraro xooggan ku haayay degaanada Gobolkaasi Hiiraan.
Ciidamada Jabuuti ee Midowga Afrika ayaa ilaaliya xarumaha muhiimka ah ee maamulka, garoommada diyaaradaha, iyo waddooyinka saadka ay u maraan Ciidamada Howlgalka AUSSOM.