4/25/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 16, 2025
Faahfaahino kasoo baxaya weerar qaraxyo ku bilaawday oo ka dhacay degmada Aadan yabaal
 

Arbaco, April 16, 2025 (HOL) - Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar afar jiho ah oo qaraxyo ku bilaawday oo ay saakay aroortii hore ku qaaday kooxda Al-shabaab degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Weerarka qaraxyada kadib, waxaa gudaha iyo deefaha degmada Aadan yabaal, gaar ahaan fariisimaha ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ka dhacay dagaal culus oo la sheegay inuu qaatay ku dhawaad shan saacadood.

Dagaalka ayaa lasoo warinaya inuu geystay khasaare kala duwan oo kala gaaray dhinacyada dagaalamaya, kuwaas oo isku adeegsanaayay hubka noocyadiisa kala duwan.

Kooxda Al-shabaab ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegatay iney gacanta ku hayaan guud ahaan degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, islamarkaana jab xoogan ay gaarsiiyeen askartii ku sugneyd degmada.

Ma jirto warar madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada kooxda Al-shabaab ee ah iney la wareegeen gacan ku heynta magaalada Aadan Yabaal oo ah magaalo istaraatiiji ah.

Sidoo kale majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo ku aadan khasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay Aadan yabaal iyo cidda sida rasmiga ah gacanta ugu hayso Aadan yabaal.

Lasoco wixii kusoo kordha warkaan.