4/25/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 16, 2025
Wararkii ugu dambeeyay xaalada guud ee degmada Aadan Yabaal oo Al-shabaab la wareegtay
 

Arbaco, April 16, 2025 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Al-shabaab ay la wareegeen gacan ku heynta degmadaas, kadib weerar culus oo qaraxyo ku bilaawday oo aroornimadii hore ee saakay kooxdu ku qaaday degmadaas.

Dagaalka maanta ka dhacay gudaha degmada Aadan yabaal ayaa la sheegay inuu ahaa kii ugu xoogana, waxaana la tilmaamay in dagaalka uu qaatay in ka badan 5 saacadood oo xiriir, kaasoo dhinacyadu isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Wali ma cada khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka maanta ka dhacay Aadan yabaal oo ah degmo istaraatiiji ah oo haray kooxda laga saaray sanadkii 2022-kii, hayeshee maanta markale ay dib gacanta ugu dhigeen Al-shabaab.

Kooxda ayaa barqanimadii maanta shaacisay qoraal ay ku sheeganeyso iney si buuxdo ula wareegtay guud ahaan magaalada Aadan yabaal ee gobolka Shabeelllaha Dhexe, waxaana sidoo kale ay baraha bulshada ku baahisay kooxdu muuqaalo muujinaya gaadiid dagaal oo ay leeyihiin oo dhex socda meelo ka mid ah gudaha degmadaas, walow muqaaladaasi ahayn kuwo si madax banaan loo xaqiijin karo.

Wararka hoose oo aan helnay ayaa sidoo kale sheegaya in haatan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ku sugan yihiin afaafka hore ee magaalada Aadan yabaal, halkaas oo lasoo wariyay iney ka wadaan is uruursi ciidan oo ku aadan sidii markale ugu laaban lahayeen fariisamahoodii degmada Aadan Yabaal.

Ugu dambeyntii sababaha adkeynaya in si rasmi ah loo helo xaqiiqada xaalada Aadan yabaal ayaa ah iney go'an tahay isgaarsiinta wicitaanka Talefanka ee degmada Aadan yabaal iyo deegaanada ku dhadhaw, mana jirto war rasmi ah oo ilaa hada kasoo baxay dhanka dowladda Soomaaliya oo ku aadan cida gacanta ku haysa magaalada iyo khasaarahaka dhashay dagaalka.