4/25/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 16, 2025
Somaliland oo gabi ahaanba ka baxday wadahadaladii mudada u socday dowladda Soomaaliya
 

Arbaco, April 16, 2025 (HOL) - Somaliland ayaa gabi ahaanba ka baxday wadahadaladii ay kula jirtay dowladda Soomaaliya ee mudada tobanka sano ka badan u socday, kadib markii ay xadgudub ka dhan ah madaxbannaanideeda u aragtay safarkii Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ee Laascaanood.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, oo warbaahinta u akhriyay go'aankan oo kasoo baxay Golaha Wasiirrada, ayaa sheegay in wadahadaladii Somaliland iyo Soomaaliya ayna maanta laga bilaabo jiri doonin.

"Madaama oo dowladda Soomaaliya si joogto ah ugu kacday xadgudubyo ka dhan ah Jamhuuriyadda Somaliland, iyo mabaadi'da wadahadaladii hore, Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay go'aamiyeen in laga baxo wadahadaladii Soomaaliya lagula jiray laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 16 April 2024," ayuu yidhi Wasiir Ayaanle.

"Dowladda Soomaaliya waxay ka leexatay jidkii nabadda iyo wadahadalka, waxaanu u aqoonsanay in safarka Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ee Laascaanood uu yahay xadgudub badheedha oo ka dhan ah madaxbannaanida Somaliland, wuxuuna ahaa daandaansi iyo hurin colaadeed, taasoo khatar galinaysa xasiloonida Geeska Afrika," ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Wasiirku waxa uu sheegay in aanu jirin wax wadahadal ah oo ay dowladda Soomaaliya kala yeesheen sii deynta maxaabiista, isla markaana tallaabada maxaabiista loogu qaaday magaalada Muqdisho ayuu ku tilmaamay "afduub," isaga oo sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku qarinaysay fashil ay wajahayso.

Waxa uu sheegay in ay oggol yihiin in la isweydaarsado maxaabiista, lakiin ay tahay in loo maro xeerarka caalamiga ah, iyada oo hay'adda ICRC ay tahay ta kali ah ee ka garnaqi karta arrimaha maxaabiista, isla markaana ay horay wadahadal ula yeesheen.

Somaliland waxay beesha caalamka ugu baaqday in ay ka falceliso xadgudubyo ay sheegtay in dowladda Soomaaliya ay ka gaysanayso bariga Sool, isla markaana la taageero dadaallo nabad loogu soo celinayo deegaanadaas oo ay sheegtay in ay wado xukuumadda Somaliland.

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa todobaadkan safar uu ugu magacdaray "Safarka Xoojinta Midnimada" ku tagay magaalada Laascaanood, oo gacanta Somaliland ka baxday horaantii 2023, lakiin ay u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda kaaso oo ay Somaliland aad uga cadhootay.

Dhanka kale, Dowladda Soomaaliya ayaa maamul goboleed hoostaga dowladda dhexe u aqoonsatay maamulka SSC Khaatumo, oo xaruntiisu tahay Laascaanood, isla markaana 25 maxbuus oo ka mid ah maxaabiista Somaliland kaga xidhnaa Laascaanood, ayaa la sii daayay iyada oo loo qaaday magaalada Muqdisho.