4/25/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 17, 2025
Qaramada Midoobay: Dhacdooyinka carqaladeynta gargaarka bini'aadantinimo ee Soomaaliya oo hoos u dhacay
 

Khamiis, April 17, 2025 (HOL) - Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isku-dubbaridka Arrimaha Gargaarka Bani’aadannimo (OCHA) ayaa sheegay in tirada dhacdooyinka xaddidaya helitaanka gargaarka bani’aadannimo ee Soomaaliya ay hoos u dhaceen 29% saddexdii bilood ee ugu horreysay 2025, iyadoo la diiwaangeliyay 44 dhacdo, marka loo eego 62 dhacdo oo la diiwaangeliyay bishii Oktoobar ilaa Diseembar ee 2024.

OCHA ayaa tilmaantay in rabshadaha hubeysan ay weli yihiin caqabadda ugu weyn ee xannibaysa helitaanka gargaarka. Warbixinta gargaarka bishan ee kasoo baxday xafiiska OCHA ee magaalada Muqdisho ayaa xustay in helitaanka gargaarka si aad ah loogu xaddiday gobollada ay dagaalladu saameeyeen sida Shabeellaha Dhexe, Shabeellaha Hoose, Hiiraan, iyo Bari, halkaas oo weerarro culus oo ay ka wadaan kooxaha xagjiriinta, milateriga dowladda Soomaaliya, kuwa Puntland iyo duqeymaha cirka ah ay si joogto ah u wiiqayaan howlaha gargaarka ee dadka nugul.

OCHA waxay sheegtay in howlgallada gargaarka ay weli si aad ah uga curyaameen meelaha fog ee ay colaadaha saameeyeen, taasina ay micnaheedu tahay in tirada dhacdooyinka la diiwaangeliyay aysan si dhab ah u muujin karin baaxadda caqabadaha helitaan ee jira bilaha hore ee sannadkan.

Sida ay OCHA sheegtay, tirada dhacdooyinka la xiriira colaadaha ayaa labanlaabantay, iyadoo ka korortay 8 dhacdo rubucii afraad ee 2024, una kacday 16 dhacdo rubucii koowaad ee 2025, taas oo dhaaftay celceliska dhacdooyinka rubuc walba ee sannadkii hore.