4/25/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 17, 2025
Maamulka Gobolka Gedo oo Guddiga Doorashooyinka uga digay inay Doorasho ka qabtaan Gobolkaasi
 

Khamiis, April 17, 2025 (HOL) - Guddoomiyaha Dowlad Goboleedka Jubaland ugu magacaaban Gobolka Gedo Maxamed Xuseen Qaadi ayaa uga digay Guddiga Doorashooyinka in aysan ka sameeyn karin wax dhaq dhaqaaqyo Doorasho la xiriira hadii ay dhacdana ay dhibaato la kulmi doonaan.

Al Qaadi ayaa shaaca ka qaaday in loo baahan yahay in Doorashasu noqoto mid ay isla ogol yihiin Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Dowladda Dhexe wixii kasoo harana ayyaan ahayn wax sharci ah.

"Guud ahaan gobolka Gedo wax doorasho ku sheeg ah kama dhaceyso', waxaan uga digayaa xubnaha Guddiga Doorashada hadii ay isku dayayaan tallaabadaasi inay cawaaqib xun ay la kulmi doonaan" ayuu yiri Gudoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Xuseen Al-qaadi.

Guddiga Doorashooyinka ayaa waqti hore sheegay in meelaha ay qorsheenayaan inay Doorasho Qof iyo Cod ah ay ka qabtaan ay ku jirto Gobolka Gedo.

Dowladda Federaalka iyo Jubbaland ayaan wali xal ka gaarin muran siyaasadeedka u dhaxeeya oo ka dhashay nooca nidaamka Doorashada Dalka iyo wax kabadelka lagu sameeyay Dastuurka.