4/25/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 17, 2025
Ciidamada Dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed oo isku dhinac ah iyo Al shabaab oo ku dagaalamay Duleedka magaalada Baydhabo
 

Khamiis, April 17, 2025 (HOL) - Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay gaar ahaan degaanka Burjeedka waxa uu dagaal culus ah ku dhex maray Ciidamada Militeriga Soomaaliya iyo kuwa Daraawishta Koonfur Galbeed oo isku dhinac ah iyo dagaalamayaal ka tirsan Al shabaab.

Dagaalka oo laisku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa bilowday aroornimadii saakay oo Khamiis ah kadib markii Al shabaab ay soo wareereen saldhigyadii ciidamada ay kusugnaayeen.

Dagaalka oo saacado socda waxaa ka dhashay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac.

Afhayeenka Madaxtooyada Koonfur Galbeed Maxamed Ibrahim oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay inay dagaalka ku jabiyeen Dagalamayaashii weerarka soo qaaday.

Waxaana uu xusay in ay jiraan khasaare xoogan oo ay soo gaarsiyeen dagalamayaashii soo weeraray saldhigyada ciidamadoodi waxaana uu shaaca ka qaaday in ilaa iyo hadda ay tiro koob ku hayaan dagaalyahanada dagaalka lagu dilay.

Waxa ay soo bandhigeen saraakiisha ammaanka Koonfur Galbeed Muqaalo ragii Al shabaab ee ay saakay dagaalka ku dileen.

Saraakiisha ayaa sheegay inay goor dhow la hadli doonaan warbaahinta ayna la wadaagi doonaan khasaare ka dhashay dagaalka saakay ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo.