4/25/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 17, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh "Labo sano ayaan guuleysaneynay waxa dhacaya oo aad arkeysaan waa faltan dagaal oo nimba maalin la riixayo"
 

Khamiis, April 17, 2025 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa si faahfaahsan uga hadlay dagaalka dowladiisa kula jirto kooxda Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u muuqday inuu ka jawaabayo dagaalkii Shalay kooxda Alshabaab ku qabsatay degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegay in dagaalku sidiisaba uu yahay mid maalinba dhinac la riixayo, isagoona xusay in hadafka guud ee dowladda uu yahay in cadowga si dhab ah looga adkaado.

“Natiijada aan xaqiijineyno waa dagaalka dalku ku jiro ee cadowga Khawaarijta ah looga xoreynayo, waxa dhacaya oo aad arkeysaan waa faltan dagaal oo nimba maalin la riixayo, labo sano ayaan guuleysaneynay, marka guul daradu hadii dhowr maalmood ay isku kaana raacdo waa inaan u adkeysano, kana adkaano cadowga" ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ciidamada Qaranka iyo kuwa difaaca deegaanka ayuu madaxweynaha ku amaanay sida geesinamada leh oo ay ula dagaalamayaan Al-shabaab, wuxuuna ugu baaqay ineysan ka niyad jabin dagaalka.

“Yaan la niyad jebin, dagaalka waan ku guuleysanay, waana socdaa, saakay waxa meel ka dhacaya waa goob dagaal, natiijadeedu waxay rabto ayey noqon kartaa, laakiin dagaal guud ayaan ku jirnaa, waana hadaf aan xaqiijinay, mararka qaar hadii nala soo dabakaco, taas macnaheedu maaha, dagaalka waa lagu fashilmay” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay Madaxweynaha Soomaaliya in caalamku ku daalay garab istaaga dadka Soomaaliyeed, isagoona tusaale u soo qaatay sida Soomaaliya looga soo kaalmeeyey dhanka amaanka iyo yareynta natiijooyinka la xaqiijiyay.

"Wuxuu caalamku ka soo maray Soomaaliya inuu ka qeyb qaato dhinacyo badan oo ka mid ah dib u dhiska dalka iyo dowladnimada iyo wax yaabo kalo badan, laakiin dadka Soomaaliyeed waxaa mooda ineysan horay u socon" ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Hadalkaan kasoo yeeray madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kusoo aadaya, iyadoo Shalay dagaal culus kooxda Al-shabaab kula wareegeen degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo kooxda horay looga xureeyay sanadkii 2022-dii.