Khamiis, April 17, 2025 (HOL) - Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay duqeyn culus oo Xalay fiidkii lagula eegtay gudaha degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab.
Howlgalkaan duqeynta ahaa waxaa iska kaashaday ciidamada dowladda iyo kuwa Mareykanka ee AFRICOM, kasoo u jeedkiisu ahaa ciribtirka kooxda Al-shabaab oo Shalay la wareegtay gacan ku heynta magaalada Aadan yabaal.
Warsaxafadeedka kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in duqeynta si gaar ah loola beegsaday goob kooxdu isku uruursanayeen, islamarkaana lagu dilay 12 xubnood oo isugu jira maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsan kooxda.
Waxaa sidoo kale Warsaxafadeedkaan kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta lagu sheegay inuusan jirin wax khasaare ah oo howlgalka duqeynta ah kasoo gaaray dadka shacabka ah.
"Ciidamada Qaranka iyo howlgalka AFRICOM waxay wali wadaan qiimeynta khasaaraha gaaray cadowga. wixii faahfaahin dheeraad ah oo kasoo kordha howlgalada oo si xowli ah ku socda, waa idiin soo gudbin doonaa mar walba” ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka.
Howlgalkaan duqeynta ah ayaa daba socda dagaal culus oo Shalay kooxda Al-shabaab kula wareegtay degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo ah degmo istaraatiiji ah.
Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka oo dhameystiran:-