4/25/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 17, 2025
Somaliland oo Dowladda Soomaaliya ugu baaqday in maxaabiistii ay ka qaaday Laascaanood ku wareejiso ICRC
 

Khamiis, April 17, 2025 (HOL) - Xukuumadda Somaliland ayaa mar kale tallaabadii ay Dowladda Soomaaliya 25 maxbuus oo ka mid ah maxaabiista Somaliland ee Laascaanood ku xidhan ugu qaaday Muqdisho ku tilmaantay afduub, waxayna ugu baaqday inay ku wareejiso Hay’adda Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC) oo qaabilsan arrimaha maxaabiista.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Caddaaladda Somaliland ayaa walaac xooggan lagaga muujiyay xaaladda sii deynta maxaabiistan, iyadoo lagu sheegay in la afduubay, isla markaana lagu qasbay inay xidhaan calanka Soomaaliya, taas oo aanay oggolayn.

“Waxaanu Dowladda Soomaaliya ugu baaqaynaa in maxaabiista ay si sharci-darro ah kula wareegtay ay ku wareejiso hay’adaha caalamiga ah ee qaabilsan arrimaha maxaabiista lala kala wareego,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.

Somaliland waxay Dowladda Federaalka ku eedaysay in ay maxaabiista u adeegsatay ujeeddooyin siyaasadeed oo cadaadis ay ku saarayso Somaliland, iyadoo sheegtay in maxaabiista laga qabtay deegaannada ay colaadaha ka taagan yihiin ee gobolka Sool, si xun loola dhaqmay, islamarkaana dayac badan uu ka muuqday.

“Dowladda Soomaaliya waxay si badheedh ah u jebisay shuruucda caalamiga ah iyo kuwa mandaqadda, gaar ahaan Xeerka Saddexaad ee Heshiisyada Geneva (1949) ee ku saabsan Maxaabiista Dagaalka, gaar ahaan Qodobka 12aad iyo Qodobka 118aad, oo dhigaya in dhammaan maxaabiista dagaalka sii dayntooda aan loo adeegsan arrimo siyaasadeed ama cadaadis lagu saarayo cid gaar ah,” ayaa lagu daray warsaxaafadeedka.

Dowladda Soomaaliya ayaa maamulka SSC-Khaatumo ku qancisay in la sii daayo 25 ka mid ah maxaabiista Somaliland kaga xidhnaa Laascaanood, kuwaas oo la sheegay inay duruufo gaar ah haysteen, kadib markii Dowladda Federaalka ay maamulka SSC-Khaatumo u aqoonsatay maamul-goboleed.

Somaliland ayaa arinta aqoonsiga SSC Khaatumo si adag uga cadhootay, iyadoo kaga jawaabtay joojinta wadahadalladii u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya.