Khamiis, April 17, 2025 (HOL) - Dagaal culus oo muddo socday ayaa maanta ka dhacay deegaanka Daanweyne ee gobolka Sanaag, waxaana uu u dhexeeyay ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo. Ilaa iyo hadda lama xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka.
Maamulka SSC-Khaatumo oo dagaalka maanta ku eedeeyay Somaliland, ayaa warsaxaafadeed kasoo baxday Wasaaradda Amniga iyo Difaaca ee maamulka ku sheegay in ciidamada Somaliland ay weerar nacasnimo ah ku qaadeen dad xoolo-dhaqato ah.
“Falka gardarada ah ee naxariis-darrada leh wuxuu sababay dilka iyo dhaawaca dad badan oo reer guuraa ah oo aan waxba galabsan, taasoo aan kaliya dhaawicin nolosha dadkeenna balse sidoo kale wiiqday geeddi-socodka dhismaha nabadda jilicsan ee ay wado Dowladda Federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.
Warsaxaafadeeda ayaa intaa ku dartay in SSC-Khaatumo aysan u dulqaadan doonin dagaalkan oo ay ku tilmaantay mid ka dhan ah madaxbannaanideeda dhuleed, isla markaana khatar ku ah nabadgelyada muwaadiniinteeda. Sidoo kale, waxay beesha caalamka ugu baaqday in ay si degdeg ah u baadhaan dagaalka maanta dhacay.
Ciidamada Somaliland ayaa dhankooda soo bandhigay maxaabiis iyo gaadiid dagaal oo ay ku qabteen dagaalka, hase yeeshee ilaa hadda xukuumadda Somaliland kamay hadlin dagaalka maanta.
Dagaalkan ayaa salka ku haya muran dhuleed oo u dhexeeya Somaliland iyo SSC-Khaatumo, iyadoo labadii sano ee u dambayay ay dagaalo culus ku dhex mareen labada dhinac gobollada Sool iyo Sanaag. Dagaalladaasi ayaa sababay dhimashada iyo qaxa dad rayid ah.
Xiisadda u dhexeysa labada dhinac ayaa markale cirka isku shareertay, kadib markii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, uu booqasho ku tagay magaalada Laascaanood ee xarunta SSC-Khaatumo isaga oo maamul goboleed u aqoonsaday arrintaas oo ay Somaliland u aragtay xadgudub, maadaama ay sheegato lahaanshaha gobolka Sool.