4/25/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 18, 2025
Dowladda Soomaaliya oo qorsheyneysa iney dalka ka ceyriso sii hayaha Wakiilka Midowga Afrika
 

Jimco, April 18, 2025 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda ariimaha Dibadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa shaaca ka qaaday in go'aan adag ka qaadan doonto dowladda Soomaaliya sii joogitaanka dalka ee sii hayaha madaxa howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya AUSSOM, kaasoo uu ku eedeeyey inuu  taageere u yahay Al-Shabaab.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in Danjire Erido Amb Sivuyile Thandikhaya bam oo ah Diplomaasi u dhashay dalka Koonfur Afrika ahna ku xigeenka iyo ku simaha Ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo Madaxa sii hayaha Taageeradda Howlgalka Cusub ee AUSSOM ee Soomaaliya inuu caalamka u diray warbixino muujinaya inuu taageero u yahay Al-shabaab.

Wuxuu tilmaamay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ay ka mid tahay  fagaarayaasha uu ka jeediyey ninkan warbixino uu ku sheegay in Shabaab ay dowladnimo rabaan oo ay joojiyeen dilka shacabka iyo waxyaabo badan oo dhaqanka argagixisada ah.

“Ninka siihayaha howlgalka AUSSOM ah, muddo dheer ayaa si hoose loogu xaman jiray, laakiin hadda waxaa muuqata inuu is qari waayey, anaga muddo ayaan ka aamusneyn, qof taageere Al-Shabaab ah ayuu noqday, qof xaasid ku ah horumarka Soomaaliya ayuu noqday” ayuu yiri Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi.

Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa hadalkiisa raaciyay in haatan ay soo baxayaan arrimo mudo dheer lagu tuhunsana ninkaan oo ah inuusan jecleyn horumarka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii warar hoose oo laga helay ilo ku dhadhaw Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegaya in dowladda Federaalka Soomaaliya ay qorsheyneyso iney dalka  ka ceyriso Danjire Erido Amb Sivuyile Thandikhaya bam oo ah Diplomaasi u dhashay dalka Koonfur Afrika ahna ku xigeenka iyo ku simaha Ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo Madaxa sii hayaha Taageeradda Howlgalka Cusub ee AUSSOM.