Jimco, April 18, 2025 (HOL) - Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.
Wasiirka ayaa si gaar ah u xusay howlgalkii ugu dambeeyay ee ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed ka fuliyeen deegaanka Barujeed ee dhaca duuleedka magaalada Baydhabo, kaasoo ciidamadu ku dileen ku dhawaad 40 xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab oo uu ku jiray horjooge Ajnabi ah.
"Waxaan ku bogaadinayaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed howlgalka guuleystay ee ay ku naafeeyeen cadawga khawaarijta ee ka dhacay Degaanka Burujeed ee duleedka deegaanka Daynuunay ee Gobolka Baay, kaasi oo ahaa mid ka marqaati kacaya diyaar garwaga Ciidanka iyo bulshada iyo in la gaaray dhammaadka Kooxaha Khawaarijta ah ee dhibaatada xooggan ku haya shacabka Soomaaliyeed " ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid.
Wuxuu tilmaamay Wasiirka Gaashaandhigga in kooxaha loogu yeero Argagixisada ineysan heli doon wax xasilooni ah inta ay hortaagan yihiin nabada, isagoona ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney si hagar la'aan ah u garab istaagaan ciidamada Qaranka.
Ugu dambeyntii Wasiirka ayaa Alle u weydiiyay naxariistiisa balaaran halyeeyadii u dhintay difaaca dalka, wuxuuna bogsiino deg deg ah u rajeeyay kuwa ku dhaawacmay dagaalada dalka looga xureynayo maleeshiyaadka Al-shabaab.
Hadalka Wasiirka Gaashaandhigga ayaa kusoo aadaya, iyadoo Shalay meydadka ilaa 10 xubnood oo ka tirsana kooxda Al-shabaab lagu soo bandhigay bartamaha magaalada Baydhabo, kuwaas oo lagu soo dilay dagaal waabarigii hore ee Shalay ka dhacay deegaanka Barujeed oo hoostaga Baydhabo.