4/25/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 18, 2025
Soomaaliya oo Sacuudiga kala hadashay kiiska muwaadiniin Soomaali ah oo ku xiran xabsiyada dalkaas
 

Jimco, April 18, 2025 (HOL) - Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis iyo taliyaha xabsiga ay maxaabiistaani ku jiran.

Kulanka labada masuul ayaa ahaa mid ay uga arinsadeen xaalada maxaabiista Soomaalida ah ee ku jira xabsiyada ku gobolkaas iyo sida suurtagalka ah ee looga qeybqaadan karo sii deynta ama cafinta dadkaasi oo isugu jira kuwo ku xukumn sanado iyo kuwo kale oo xukun sugayaal ah.

Cabdweli Xirsi Cabdulle Qunsulka Soomaaliya ee u jooga Sacuudiga ayaa kulanka kadib booqday qaar ka mid ah xabsiyada ay ku jiraan maxaabiista Soomaaliyeed, isagoo u kuurgalay xaaladda nolol ee muwaadiniinta xiran.

Qunsulka ayaa sheegay in dadka xiran ay isugu jiraan qaar xukuman, kuwo xukun sugayaal ah iyo kuwa aan weli maxkamad la saarin, islamarkaana dowladda Sucuudiga ay kala xaajoonayaan wadiiqooyin muwaadiniintan lagu sii dayn karo ama ugu yaraan loogu celin karo dalkooda Soomaaliya.

"Waxa jirta in marar badan badan labada dawladood ee Sucuudiga iyo Soomaaliya ay ka wada hadleen sidii maxaabiistan loo sii dayn lahaa ama dalkoodii dib loogu celin lahaa. Laakiin wax badan kama suurtagelin waxaan se qabnaa rajo fiican" ayaa uu yiri Cabdiweli Xirsi Cabdulle.

Si kastaba ha ahaate dowladda Soomaaliya ayaa horay madaxda dalka Sacuudi Carabiya uga codsatay in lagu soo wareejiyo maxaabiista Soomaalida ah ee ku jira xabsiyada dalkaas, waxaana haatan uu rajo wanaagsan ka muujiyay Qunsulka in suurtagal tahay in maxaabiistaan dib loogu celin doono dalkooda Soomaaliya.