Sabti, April 19, 2025 (HOL) - Wakiilka Somaliland ee Kenya, Maxamed Axmed Hurre (Barwaani), ayaa sheegay in xuduudaha Somaliland aan la beddeli karin, isla markaana anay suurtagal noqonayn in Somaliland ay aqbasho maamulka SSC Khaatumo.
Danjire Barwaani oo waraysi siiyay BBC Somali ayaa ku dooday in dadka degaannada SSC ku nool ay wax taban karaan, balse xuduudaha Somaliland oo uu sheegay in ay 140 sano jireen aan laga boodi karin, isla markaana cunfiga caalamiga ah aan waxba laga beddeli karin. Waxa uu dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in ay colaado ka hurinayso gobollada Sool iyo Sanaag.
“Dhulka Somaliland ee boqol sano jirka ah booqasho laba maalmood ah laguma beddeli karo. Dadka deegaanka tabashadooda waa kii Madaxweynaha Somaliland ka hadlay. Waa dad walaalaheen ah, dhibtooda lama jeclin, balse dadaalkii ay wadday dowladda Somaliland waxaa burburinaya Xamse iyo Xasan Sheekh,” ayuu yidhii Danjire Barwaani.
Wuxuu intaas ku daray in Somaliland aanay waligeed aqbali doonin maamulka SSC Khaatumo, isla markaana aysan arrintaasi waafaqsanayn xeerarka caalamiga ah. Wuxuu sidoo kale sheegay in dowladihii hore ee Soomaaliya ay ka xishoon jireen inay tagaan Sool, halka dowladda Xasan Sheekh ay go’aansatay in si toos ah Somaliland loo weeraro.
“Dadku way isku dhici karaan, wax bay taban karaan, laakiin taasi macnaheedu maaha in qof meel jooga uu yidhaahdo waan idin aqoonsaday, xuduudo boqollaal sano jirayna waan baabi’inayaa — taasina wax dhici kara maaha,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Danjire Barwaani.
Xukuumadda Somaliland ayaa si adag uga hor timid aqoonsiga dowladda Federaalka Soomaaliya siisay maamulka SSC Khaatumo, iyada oo ku tilmaantay xadgudub ka dhan ah madaxbannaanideeda, isla markaana gabi ahaanba joojisay wadahadalladii u socday Soomaaliya.
Dhinaca kale, dadka deegaanka Laascaanood oo uu booqday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa soo dhaweeyay aqoonsiga, iyadoo Ra’iisul Wasaaruhu dhagax-dhigay mashaariic horumarineed oo deegaanka laga hirgelinayo.
Somaliland waxay lumisay gacan ku haynta Laascaanood horaantii sannadkii 2023, hase yeeshee wali waxay u aragtaa qayb ka mid ah dhulkeeda, maadaama oo ay ku dhisantahay aragtida xuduudaha Somaliland-tii Ingiriisku maamuli jiray.