4/25/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 19, 2025
Caruur Soomaaliyeed oo markoodi ugu horeeysay noloshoodi helay dareen maqal ah kadib qaliin lagu sameeyay
 

Sabti, April 19, 2025 (HOL) - Waxa Magaalada Nairobi lagu soo gabagabeeyay qaliin kooban oo loo sameeysay caruur Soomaaliyeed kuwaas oo dhagaha loogu xiray qalab awood u siiyay inay markii ugu horeeysay noloshooda yeeshaan ama helaan dareen maqal ah.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle oo ka hadlay kulankii lagu daahfuray daaweynta caruurta ayaa uga mahadceliyay Boqortooyadda Sacuudi Carabiya iyo madaxdeeda kaalmada ay u fidiyeen caruurta Soomaaliyeed.

“Anigoo oo ku hadlaya magaca shacabka iyo kan dowladda Soomaaliyeed, waxaan si weyn ugu mahadcelinayaa Boqortooyada Sacuudiga, gaar ahaan Xarunta Gargaarka Boqor Salmaan oo 15 carruur Soomaaliyeed ah u xirtay qalab elektaroonik ah oo u sahlaya caruurtaas inay markii u horeeysay yeeshaan dareen maqal. Qaliinkaan ayaa wax ka badali doonaa noloshooda.” Ayuu yiri Danjire Jabriil.

“In la siiyo hibada maqalka caruurtaan, waa iyada oo la beddelay habka ay u nool yihiin. Waxa u furmaya albaabo horay uga xirnaa. Qalabkaan ma siinayo caruurtaan maqal kaliya, laakiin waxa uu siinayaa aqoonsiga, fursado cusub, iyo hami cusub oo ku dheehan Sharaf” ayuu hadalkiisa raaciyay Danjire Jabriil.

Qoysaska Soomaaliyeed ee dhalay caruurta ayaan barnaamijkan la'aanteed, aan rajo ka qabin in carruurtoodu helaan dareen maqal. Qalabka caruurta lagu xiray jirkooda ayaa ah mid casri ah noocii ugu danbeeyay kuna fadhiya qiimo aad qaali u ah, sida ay sheegtay Safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya.

“Waxa aan si gaara ugu mahadcelineynaa Dr. Aqueel bin Jam'aab Al-Ghamdi, Kaaliyaha Kormeeraha Guud ee Qorsheynta iyo Horumarinta iyo H.E. Mudane Khalid A. AlSalman, Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee Kenya kuwaas oo fududeeyay taageeradan waqtigeeda ku habboonayd” Ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Danjire Jabriil.