Sabti, April 19, 2025 (HOL) - Ciidamada Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer.
War kooban oo kasoo baxay maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in ciidamadu ay gabi ahaanba sifeeyeen godadkii ay ku jireen xubnaha Daacish, iyada oo howlgalka uu haatan marayo gabagabada wejigiisii saddexaad ee la dagaallanka kooxdaas.
Intii uu socday howlgalkaas, ciidamada Puntland ayaa dhinaca kale la kulmay iska caabin xooggan, taasoo keentay in dhowr askari oo ciidamadooda katirsan nolashooda ku waayaan howlgalka.
Waa markii ugu horreysay oo Puntland iyo kooxda Daacish ay si fool ka fool ah isaga hor yimaadaan dagaal toos ah oo socday muddo ku dhow 12 saacadood, tan iyo bishii Febraayo ee sanadkan.
Wararka ayaa sheegaya Daacish ay si adag difaac uga xirteen buuraha ay ku dhuumaalaysanayeen, iyaga oo hub culus iyo qoryaha darandooriga u dhaca ku rakibtay buuraha dushooda.
Weli lama xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee dhinacyada ka soo gaaray howlgalka, hase yeeshee maamulka Puntland ayaa sheegay in uu maalmaha soo socda kasoo saari doono faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan natiijada howlgalka.