Hiiraan Online
4/25/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Sabti, Apr 19, 2025
Dagaalamayaal ka tirsan Al shabaab oo soo buux dhaafiyay miyiga magaalada Baydhabo
Sabti, April 19, 2025 (HOL) - Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar kamid ah beeraleeyda miyiga.
Wararka aan heleyno ayaa tibaaxaya in Dadka ku nool tuulooyin ay ka mid yihiin Gasarta, Dambalka, iyo deegaano ku dhow Baay-Burjeet ay soo sheegayaan in kooxda ay digniin u dirtay beeraleyda deegaanka, iyagoo lagu amrayo inay ka fogaadaan meelaha qaar.
Goob joogayaal ayaa sheegaya in dableydu ay si cad ugu sheegay beeraleeydaasi inay soo booqan karin ama u shaqa tagi karin beerahooda, taasoo kor u qaadeysa walaaca la xiriira amniga iyo helista ay wajahaan beeraleeyda gobolka Baay.
Tani waxa ay ka dambeeysay markii Maamulka iyo shacabka magaaladaba ay u dabaaldegeen khasaare xoogan oo Al shabaab lagu gaarsiiyay Khamiistii lasoo dhaafay dagaal ka dhacay degaanka Deeynuunay.
Ujeedka ay Kooxdaan usoo buux dhaafiyeen miyiga magaalada Baydhabo ayaa u muuqata mid ay ku doonayaan inay ku aargutaan khasaarihii kasoo gaaray dagaalkii ka dhacay degaanka Deeynuunay oo Maamulka Koonfur Galbeed uu guul ka sheegtay soona bandhigay meydadka Kooxdaasi.