4/25/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 19, 2025
Puntland oo fashilisay weerarro ismiidaamin ah oo Daacish la damacsanayd difaacyada ciidankeeda ku sugan Togga Miiraale
 

Sabti, April 19, 2025 (HOL) - Ciidamada amniga Puntland ayaa maalintii labaad wada howlgal ballaaran oo ka dhan ah ururka Daacish, howlgalkaas oo haatan ka socda aagag kamid ah Togga Miiraale, oo ah farriisinkii ugu weynaa ee Daacish.

Afhayeenka howlgalka Hillaac, General Maxamuud Axmed Faadhigo, ayaa u sheegay warbaahinta ka howlgasha gudaha Puntland, in ciidamada Puntland ay fashiliyeen weerar ismiidaamin ah oo ay soo abaabuleen kooxda Daacish.

Afhayeenka wuxuu sheegay in toban ismiidaamiye ay isku dayeen inay weeraraan mid ka mid ah furimaha hore ee ciidamada, balse siddeed kamid ah ay ciidamadu toogteen, halka labada kale ay is qarxiyeen kahor inta aysan gaarin bartilmaameedkooda.

Gen. Faadhigo waxa uu xaqiijiyay in dhowr askari oo ka tirsan ciidamada ay dhaawacyo kasoo gaareen qaraxyadaas.  Dhinaca kale, Puntland ayaa in ka badan 10 askari kaga geeriyooden, halka ku dhawaad 30 kalena ay ku dhaawacmeen dagaalkii shalay dhacay. Wuxuu ahaa dagaal socday muddo lix saacadood ah.

Saraakiisha ayaa sheegaya in Daacish ay si adag uga dagaalantay godad ay ku lahaayeen togga Miiraale, halkaas oo la tuhunsan yahay inay ku sugan yihiin saraakiil sare oo ka tirsan kooxda Daacish.

Ciidamada ayaa xalay dib ugasoo baxay meelaha ay iska caabinta adag kala kulmeen, hase ahaatee, maanta ayay mar kale weerar ku qaadeen godadka ay ku jiraan Daacish, halkaas oo weli dagaalku ka socdo haatan.

wixii soo kordha kula socda wararkeenna soo socda.