4/25/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 19, 2025
Degmooyin ka tirsan Muqdisho oo maanta looga dareeray diiwaan galinta cod bixiyaasha
 

Sabti, April 19, 2025 (HOL) - Degmooyinka Xamarweyne, Boondheere iyo Shibis ee magaalada Muqdisho waxaa maanta ka billaawday diiwaan galinta cod bixiyaasha golaha deegaanka ee dhacaysa bisha June ee sanadkaan.

Boqolaal dadweyne oo isaga kala yimid xaafada degmooyinkaan ayaa safaf dhaadheer u galay goobaha loogu talo galay iney iska diiwaan galiyaan.

Guddoomiyaha degmada Shibis Cali Soomali oo goobta diiwaan galinta cod bixiyaasha degmadiisa kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay sida dad reer Shibis u muujiyeen rabitaanka in doorasho qof iyo cod ah dalka ka qabsoonto.

“Waxaan rabaa inaan noqdo guddoomiyihii ugu dambeeyay ee degmada Shibis ku yimaaday magacaabis, waxaan ku faraxsanahay in shacabka degmada iney codkooda kusoo doortaan masuulkii hoggaamin lahaa” ayuu yiri guddoomiyaha dagmada Shibis Cali Soomaali.

Haweeney ka mid dadkii maanta iska diiwaan galiyay degmada Shibis ayaa sheegtay iney diyaar u tahay markii ugu horeysay iney codkeed kusoo doorato hoggaamiyaha ay ku qanacsan tahay.

“Immisa sano ayaan sugeynay inaan maanta oo kale arko oo aan codkeyga ku ciil baxo saaka waan ku faraxsanahay in aan iska diiwaan geliyay cod bixinta doorashooyinka golayaasha deegaanka ee dhici doonta bisha June" ayay tiri haweeneyda.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dalka ayaa dhankiisa sheegay in guddigooda uu cagta saaray wadadii hirgalinta doorashooyinka Qaranka Soomaaliyeed.

"Magaalada Muqdisho waxaa ka socda diiwaan gelinta codbixiyaasha golaha deegaanka  waxayna mareysaa 4 dagmo waxaana horay looga soo dhamaaday dagmada Shangaani oo  nasiib u yeelatay in laga bilaabo diiwaangelinta codbixiyaasha gobolka Banaadir, maanta waxaa guda galnay fulinta doorasho qof iyo cod ah oo la aaminsana in caqab tahay, dadka gobolka Banaadir waxay muujiyeen sida ay ugu bisil yihiin in dalka ka dhacdo doorasho dadweyne" ayuu yiri guddoomiye Cabdikariin.

Si kastaba ha ahaatee waxaa xusid mudan in siyaasiyiinta mucaaradka iyo maamulada Jubbalabd iyo Puntland ay horay u diideen in dalka uu aado doorasho qof iyo cod ah, iyagoona ka horyimid guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo soohdimaha Qaranka ee haatan ku howlan hirgalinta doorasho dadweyne.