Hiiraan Online
4/25/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Axad, Apr 20, 2025
Wasaaradda arrimaha Dibadda Yemen oo beenisay in la beecinayo dhismaha Safaarada Yemen ee Soomaaliya
Axad, April 20, 2025 (HOL) - Wasiirka arrimaha Dibadda dalka Yemen Shaaic Muxsin Al Zendani ayaa sheegay in been abuur ay tahay wararka la isla dhex maraayo ee ku saabsan in la iibinaayo dhismaha Safaarada Yemen ay ku leedahay Soomaaliya.
Wasiir Al Zendani ayaa shaaca ka qaaday inay jiraan fariimo kala duwan oo kasoo gaaray qaar kamid ah warbaahinta si uu u cadeeyo arinta laga soo sheegayo safaarada Yemen ay ku leedahay Soomaaliya waxaana uu xusay in waxa socda uu yahay kuwa dacaayad ah oo aan sal iyo baarba toona lahayn.
"Waxa ay doonayaan inay ku sumcad xumeeyaan shaqada Wasaaraddu ay ka hayso Caalamka si lamid ah xiriirada Diplomaasiyadeed ay la leedahay wadamada kale, waxaan ogsoonahay in arintaan ay tahay eedeymo been abuur ah oo abaabulan" ayuu kuyiri war kooban uu siiyay mid kamid ah warbaahinta Yemen uu wareysi siinayay.
Warbaahinta ayuu ugu baaqay inay qaataan Mas'uuliyadda waxyaabaha ay tabinayaan waxaana uu ka digay si wadista wararka been abuurka ah ee la xiriira in safaarada Yemen ee ay Soomaaliya ku leedahay la beecinayo.
Qaar kamid ah wariyeyaal kasoo jeeda Dalka Yemen ayaa dhowaan baraha Bulshada ku daabacay in Yemen ay Soomaaliya ku leedahay laba dhismo mid hore oo Qadiim ah iyo mid dhowaan la dhisay sidaas darteen la qorsheeyay in dhismihii hore la kireeyo ama la gado lacagta laga helana lagu shubo Bankiga dhexe Yemen iyadoo loo marayo Wasaaradda Arrimaha Dibadda.